Thursday, October 13, 2016

10 fanaan oo fanka ka baxay oo barta quraanka



 Qaar ka mid ah Fanaaniinta loogu jecel yahay ee ka caanka ah deegaamada lagaga hadlo af Soomaaliga ayaa shaaca ka qaaday inay ka baxeen Fanka. Una baydheen barashada Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Fanaaniinta fara ka qaaday Fanka ee khadkaas ka baxday waxay u badan yihiin fannaaniintii kooxdii sida weyn caanka uga ahaa Soomaliya ee la odhan jiray Hobalada Waabaeri iyo kuwo fanka ku soo jiray muddo dheer oo kooxdaa ka horeysayba. fannaaniinta ku dhawaaqday inay ka fadhiisteen fanka waxa ugu dambaysay fannaanada weyn ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin Maandeeq oo go’aankaas ka sheegtay kulan ay saxaafada kula yeelatay gegeda dayuuradaha ee Hargeysa oo ay dhawaan ka soo degtay iyada oo ka soo laabatay wadanka Ingiriiska . Fanaanadda weyn ee Qamar Cabdilaahi “Harawo” ayaa iyaduna hore u sheegtay inay muddo sanado ahba ka sii maqnayd hawada Fanka. Khadra Dahir Cige oo loo tiriyo inay tahay Boqoradda jaceylka, heesaheeduna ay yihiin heesaha ugu saameynta badan dhinaca jacaylka ayaa shaaca ka qaaday inay afar sanadood ka sii maqan tahay Fanka,waxaanay ku sababaysay inay Sodoh noqotay sidaa awgeedna ay fanka uga hadhay,
waxaanay khadra daahir Cige, intaa ku dartay inay door biday barashada quraanka iyo Diinta Islaamka. "Waan joojiyay Fanka,waxaan hada bartaa Qur””aanka,oo waxaa i galay Jaceyl diimeed" sidaana waxa tidhi Fanaanadda Fadumo Cali Cilmi Haldhaa oo iyadu fannaanad da’ yar ah marka loo eego fananaaniinta kale ee aynu soo sheegnay haatanse fanka ku soo jirtay muddo labaatan sanadood ka badan. Maxamed Ahmed Kuluc oo safka hore kaga jira fannaaniinta soomaaliyeed kuwa ugu caansan ee loogu jecelyahay, isla markaana ah fannaan muddo dheer fanka ku soo jiray ayaa si’ lama filaan ah u yidhi: "Haddii uu wanaag leeyahay, In badan baan ku soo jiray Fanka, nin weynbaan noqday,waxaan go’aansaday inaan joojiyo,waanan ka hadhay fanka oo waan ka baxay". "Fanku Qalbiga ayuu ahaa,waanan ka tegay, runtiina muddo dheerba shaqo kumaan lahayn fanka " sidaana waxaa tidhi Fanaanadda weyn ee Cadar Ahmed Kaahin.
"Dugsi Qur””aan ayaan ka dhigtaa Boorame, hada waxaan ahay arday barta Diinta Islaamka,waxaan Ilaahay ka baryaayay inuu fanaaniinta kale ee aanu saaxiibka ahayn ka Madoobeeyo Fanka" Waxaa sidaas tidhi, Fanaanadda Nadiifo Cali Kulane. Jilaaga weyn ee Boon Xersi oo ka qeybgalay Barnaamijka Caweyska VOA ayaa sheegay in uu Fanku ka goostay. "Fanka anagu kamaanu tegine isagiibaa naga tegay, anaguna markaas baanu tagnay maxaa yeelay meel xabadi ka dhacayso, heesi kama soconeyso,dadkii na dhageysan jirayna waxay heleen jilayaal wanaagsan oo siyaasiyiin ah kuwaasaana na badalay oo halkayagii ku jira"ayuu yidhi Boon Xersi. Fanaanadda weyn ee Kinsi Xaaji Adan ayaa sheegtay in aanu fanku lahayn qiimihii hore ee uu lahaan jiray. "Walaahi Fanka kumana jiro, kamanaan bixin, marbaan ka tagay hadana waan ku soo noqday" ayay tidhi Kinsi Xaaji Adan. "Waan farxay Markaan maqlay in Fanaaniintii ugu caansanaa hoboladda Waaberi ayaa isakaga baxay Fanka, aniguna waan ka baxay mar hore oo hada waxaan ka tirsanahay Culimadda Tabliiqa" ayuu yidhi Cabdilaahi Sooraan oo lagu xasuusto kaalintii Fanka oo isugu jirtay jilaannimo sare iyo heesaa wanaagsan Fanaaniinta waaweyn ee dhawaan fanka ka fadhiistay waxaa ka horeeyay Sheekh Cabdilaahi Sulfa iyo Shamaali Ahmed Shamaali oo isagu u go’ay diinta kuna nool boqortooyadda Sacuudiga. Fanaanadda reer Jabuuti ee Nimco Jaamac ayaa la hadal hayaa inay iyaduna maagan tahay inay fanka gabi ahaanba ka fadhiisato.
SaxanSaxo.

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan