Friday, October 14, 2016

Cudurada cabista sigaarka laga qaado 15ka ugu halista badan


Sigaarka waxaa laga sameeyaa caleenta geed dhererkiisu ama joogiisu yahay hal mitir.
Geedka tubaakada (tobacco tree) caleentiisu gebiahaanteed waa sun. Laakiin iniinta geedkaasi aad bay halis u tahay, nafleyda way sumaysaa oo dishaa.
Dhawr dhibcood oo ah casiir laga sameeyay iniinta geedkaas waxay ku filan tahay inay disho oo qudha ka jarto qof ladan oo caafimaad qaba, sida lagu caddeeyay cilmi baaris la sameeyay.
Iyadoo sababtu tahay dareen Alle ku abuuray, shinbiruhu uma soo dhowaadaan geedka sigaarka laga sameeyo. Sido kalena, shinnidu uma soo dhowaato kumana dul degto ubaxiisana dheecaan kama nuugto. Sidoo kale, bahaaim kuna ma cunaan caleenta geedkaas.
Haddaba waxaa la yaab leh qofka sigaaryacabka ah oo Allehii abuuray siiyay caqli uu wax ku kala garto inuu hawadiisa raacay oo addoon ugu noqday qiiq.
Bal qiiq muxuu faaiido leeyahay? Waxaynu ognahay inuu qiiqu dadka hawada oksi jiinka ka xiro oo cabburiyo kaddibna ay dhintaan.
Waxaa xoolaha bahaaimka ah iyo shibiruhu iyo shinnidu ka fogaadaan ayuu banii aadanku naftiisa ku haligayaa. Banii aadanku ma dowdar baa?
Tirakoob la qaaday waxaa lagu ogaaday in dadka u dhinta sababo la xiriira sigaarka ay ka badan yihiin dadka u dhinta cudurada ka dhasha maandooriyaasha (drugs), aydiska (AIDS), khamrada iyo shilalka gawaarida ama baabuurta.
Waxaa kalee la soo ogaaday ragga sigaaryacabka ahi inay xagga raganimada hawlgab ka noqdaan oo marba marka ka danbeeya awooddu ka sii yaraato oo hadduu xaas lahaana hawshii laga rabay ka soo bixi kari waayo maxaa yeelay waxaa ka fadhiistay matoorkii (machine failure).
Dhibaatada sigaarku keeno waaga danbe
Jirka (maqaarka:
Sigaar cabbiddu waxay kordhisa engaga ama qallalka jirka ama maqaarka (skin dryness). Waxaa intaas sii-dheer, qofka sigaarka cabba jirkiisu wuu isku duub-duubmaa ama wuu isku canyaan-yuubmaa sidii maro aan la kaawiyadayn. Intaas waxaad ku dartaa, sigaar cabbiddu waxay daciifisaa ama sii yaraysaa siduu jirku wax isaga difaaci lahaa hadduu maqaarka qofka ku dhaco cudurka kaansarku.
Timo Daadasho (loss of hair)
Daraasad ama cilmi baaris uu sameeyay Machadka Daawaynta ee ku yaal dalka Ingiriiska (British Medical Institute) waxay caddaysay in dadka sigaarka cabbaa ay ka timo daadasho badan yihiin dadka aan sigaarka cabbin. Sidoo kale, sigaar cabbiddu waxay soo dedejisaa timaha oo cirrooba oo dambas noqda.
Cudurada Sigaar Cabbiddu Keento waxaa ka mid ah:
– Maskaxda oo xinjiraysata
– Kaansarka ku dhaca cunaha ama booca
– Kaansarka ku dhaca sanbabada
– Kaansarka ku dhaca beer-yarada
– Kaansarka ku dhaca kaadi-haysta
– Sanbabada oo barara
– Lafaha oo bulula ama jileec noqda oo jabi og
– Habowlaha dhiigga qaada oo xirma
– Laab xanuun aad u daran (angina pectoris)
– Kaansarka caloosha ku dhaca (stomach cancer)
– Boog caloolo ama boogta gaastarikada (gastric ulcer)
– Kaaansarka ku dhaca ilma galeenka (riximka ama makaanka)
– Ilmaha uurjiifka ah oo daciif noqda
– Awood darada iyo hawlgabnimada ku dhacda raganimada ragga
Cuduradaas kor ku xusan haddii mid ka mid ah uu ku dhaco qof sigaaryacab ah, dhibaatadu ku ekaan mayso qofkaas dhibaatadu ku dhacay. oo keliya. Bal wuxuu qofkaasii mushkilad iyo culays iyo culaab ku noqonayaa qoyskiisa oo ah dadka guriga kula nool, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo bulshada.
Cudurka kaansarku waa cudur halis ah oo dilaa ah. Qofkii cudurkaasii ku dhaco wuxuu noqonayaa fadhiid ama curyaan oo kale oo aan wax awood lahayn waxna qabsan karin..
Markaa qofka sigaarka cabbaa isna waa dhiban yahay, dadka kalena wuxuu ku hayaa dhibaato. Qiiqa qurmoon ee ka soo baxa sigaarka wuxuu ka soo uraa qofka sigaaryacabka ah iyo dharkiisaba, Urtaasina dadka way dhibtaa.
Qofka sigaarka cabbaa waa qof hawada naftiisu qool gashatay oo addoon ka dhigatay. Qofka Muslimka ahi wuxuu addoon u noqon karaa Allehii abuuray oo keliya.

Qofka sigaarka cabbow adba waad ogtahay siduu kuu bahdalay oo u beddalay midabkaagii iyo muuqaalka guud. Jooji cabidda sigaarka intay goori goor tahay oo is daba qabo, Nasiib baad leedahaye…!!
Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan