Thursday, October 20, 2016

Sida loo samaysto blogger - halkan ka daawo



Hordhac

Hadii aad arki jirtay dad leh blogger sida Qalbi Somali oo kale hada adiga wakhtigaagii ayay soo gaadhay aad samaysan lahayd blogger kuu gaar ah oo aad caalamka ugu soo bandhigto xirfadaada,shaqadaada ama fikirkaaga wanaagsan.


Waa maxay nashqada blogger ?

Blogger wuxuu leeyahay nashqado aad u fiican oo aad u isticmaali karto blog-gaaga ka dib markaad samaysato ee uu hirgalo ayaad dooran kartaa nashqadahan aadka u qurux badan , waxayna kaa caawinaayaan in akhristayaasha bloggerkaagu ay mar kale si fudud u soo booqdaan blog-gaaga 
bloggerka wuxuu leeyahay nashqado aad u fiican oo aad iskood u isticmaali karto markaad samaysato blogger cusub

Maxaad ku soo bandhigi kartaa blogger kaaga ?

Blogger kaaga waxaad ku soo bandhigi kartaa waxkasta oo aad u baahan tahay gaar ahaan maqaalo xiiso badan muuqaalo ama arimaha waxbarashada ganacsiga iwm
soo bandhig dareenkaaga ama fikirkaaga sida aad rabto oo ku qor bloggerka maqaalo qurux badan way fududahay waana wax lacag la'aan ah

Waa maxay domain ?

Domain waa cinwaan internet ah hadii aan si kale u yidhaahdana waa cinwaanka websiteka sida www.bbcsomali.com ama www.somalivoa.com iwm, cinwaanka rasmiga ah waxaa ku siin kara blogger ka dib markaad isticmaasho wuxuu noqon doonaa magaca iyo cinwaanka tusaaale ahaan sidan www.magacaaga.blogspot.com
hadii aad samaysato blogger waxay la mid tahay adigoo website samaystay , bloggerku wuuba ka dheerayaa website yo badan markaad siiso ahmiyadiisa

Bloggerka lacag ma sameeyaa ?

Haa wuu sameeyaa lacag adigoo isticmaalaaya google adsense waxaana ka aad ka helaysaa bloggerka gudihiisa adeega google adsense si fudud ayaad u hirgelin kartaa lacagna waad ka samayn kartaa waa inaad samaysataa blogger macquul ah
Guud ahaan internetka lacag ayaad ka samayn kartaa ahaan bloggerku waa meesha ugu sahlan ee aad lacag ka samayn karto hadii aad u baahan tahay arintan waa inaad samaysataa blogger macquul ah

Bloggerkaaaga dadka soo booqda sidee u ogaan kartaa ?

wuxuu awood kuu siinaayaa bloggerkaagu inaad aragto dadka soo booqanaaya websitekaaga meesha ay aduunka ka joogaan magaalo ama dal iyo qaabka ay u soo booqdeen websitekaaga sida mobile ama computer hadba kii ay isticmaalayaan iyo browserska ay ku booqdeen websitekaaga sida firefox,chrome ama internet explorer opera, iyo qaar kaloo badan .
Bloggerka wuxuu awood kuu siinaayaa inaad ogaato dadka soo booqda website kaaga meesha ay aduunka ka joogaan magaalo iyo wadan iwm

Malaayiin isticmaala bloggerka !

Bloggerka waxaa isticmaala malaayiin qof oo aduunka kala jooga dhammantood si maalinle ah ama usbuucle ah ayay u soo bandhigaan waxay hayaan fikrad ama ganacsi ama xirfad.
Hada ka mid noqo fursadan qaaliga ah ee oo ka mid noqo dadka isticmaala bloggerka oo ah website free ah
Malaayiin qof ayaa isticmaala bloggerka aduunka iyo caalamka oo dhan 

Wakhti intee leeg ayaad u baahan tahay  ?

Kaliya waxaad u baahan tahay inaad 2 daqiiqo oo kaliya aad daawato muuqaalkan 2daqiiqo ka dibna waxaad ba samaysatay oo diyaar kuu ah bloggerkaagii, hadaba muuqaalkan hoose ka daawo 

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan