Maxaan Midnimada Ka Weynay?
Waxaa dhacda in dhakhtar daawo u qoro qof bukaana, daawadaas oo laga yaabo inay sabab u tahay inuu ka kaco xanuunkan daashaday ee nolashiisii khatarta geliyey, waxaase dhacda in qofkii bukaanka ahaa daawadii daadiyo oo aanu cunin, dhakhtarkana u sheego inuu dhamaystay kuuradiisii (daawadiisii).
Akhristow Su’aasha aad is weydiin kartaa waxay tahay sidee dhakhtarku u caawin karaa bukaankan naf la caariga ah ee daawadiisii qashinka ku daraya?. Waxaad kaloo is weydiin kartaa sidee u caafimaadi karaa mariidkan aan daawada qaadanayn?. Muxuu daawada ka waayey ama u diiday?. Muxuuse ku doorbiday in xanuunkani sii hayo?.
Xaaladan oo kale waxaa la mida ama kaba daranba markaad aragto sida ay ummadii soomaaliyeed u kala fogaatay ugana biyo diidayso inay midowdo isuna geyso maankeeda & muruqeeda, iyo siday u baasaysatay wada jir iyo iskaashi ay kaga dabaalato burburkan lixaadka ah ee maansheeyey dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay.
Hadii aad dhegadhegayso ama indha-indhayso warbaahinta soomaaliyeed waxaad maqlaysaa hadalo badan oo dhiilo xanbaarsan kana turjumaya heerka mukhaalafo iyo midnimo darro ee ummadu heehaabayso. Dhawaaqyada isdaba jooga ee aan loo meel dayin ayaa ah kuwo caado u noqday inay ka dhex yeedhaan kulamadeena iyo shirarkeenaba. Hadaladaas ayaa ah kuwo dhantaalay midnimadii ummada, horseedayna waddo ma dhamaato ah oo shacabka lagu marin habaabiyey.
Gabyaa Soomaaliyeed Baa Yidhi:Waddankey ku noolayd abido waaqeed ay joogtayUmmad waaraad loo qaybsadoon kaba walaacayninUmmad aan ka waababa aqoon dabinka weegaaranUmmad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysaUmmad waddici gobonimadiyoo wacan gumaystiinaUmmad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa !
Talow Maxaan Midnimada Ka Weynay?
Midnimadu waa xoogga ay ummaduhu ku difaacaan sharaftooda iyo karaamadooda, kagana hortagaan khataraha waaweyn ee salka ka rujin kara jiritaankooda, sidoo kale waa arrinka u sahla inay muquuniyaan cadowgooda, horumarna ka sameeyaan hirdanka siyaasadeed ee aan la hurayn. Midnimadu waa deyrka ay umaduhu iska wareejiyaan si ay isaga xaydaamaan balaayooyinka uu cadawgu la gaafwareegayo, waana dhufayska ay ka galaan dhagaraha loo maleegayo ee lala maagan yahay. Haddiise ay dhacdo in ummadaasi ku fashilanto hanaankii midnimo ee looga baahnaa waa calaamad muujinaysa in ummadaasi ayna hanan Karin jiritaan ay ku naalooto, kartina u yeelan Karin inay caga badan ku sii taagnaato.
Midnimadu waa furaha harumarka, horumarku waa bartilmaameedka ay ummaduhu ku taamayaan inay haleelaan, xoog iyo xoolana isugu geeyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen. Hadaba haday rabto ummadi inay ku Talaabsato isbadel muuqda oo ay ka samayso dhamaan dhinacyada ay rabto inay horumar ka gaadho, una aydo mustaqbalka dhow iyo ka fogba, kana baxdo khaanada loo yaqaan dunida saddexaad oo macnaheedu yahay (kuwa dib u dhacay kuna fashilmay inay horu kac sameeyaan), waxaa la gudboon ummmadaas sidii ay u midayn lahayd shacabkeeda iyo tamarteedaba.
Arrimaha lama dhaafanka ah ee aanay la’aantiis marnaba suuro gal ahayn inay ummadi samayso horumar ay ka midho dhaliso kuna xasisho waa midnimo iyo iskaashi dhex mara dhamaan xubnaha ay ka kooban tahay.Waxaan odhan karnaa midnimadu waa bar bilowga horumarka .
Midnimadu waa sababka ay ummaduhu ku xaqiijiyaan himilooyinkooda una maraan inay gaadhaan hankooda. Marka laga tago binu aadamka xitaa xayawaanka ayaa gartay inaanay suura gelin karin ujeedooyinkooda illaa ay cagta la helaan wadada midnimada. Haddaan tusaale u soo qaadano shinida oo aan aragnay xajmigeedu inta uu dhan yahay, hadana waxaan is weydiin karnaa muxuu yahay arrinka u sahlay inay samayso maadadan qiimaha badan (Malabka) ee aan la soo koobi karin faa’idooyinka ay u leedahay binu aadamka?. Waxaan ku micnayn karnaa inuu yahay iskaashiga layaabka leh ee ay ka dhex abuurtay xubnaha ay ka kooban tahay, waana tafsiirka aan siin karno guushan amaanta mudan ee aan marnaba la moogaan Karin.
Bal Aboorka eeg siday ugu suura gashay inuu dhidbo dudumada lixaadka leh ee uu ka qotamiyey arlada guudkeeda?.Miyaanay ahayn midnimo, miyeyna ahayn is afgarad iyo hawl loo dhan yahay oo mid walba oo iyaga ka mid ahi gartay qabtayna wixii isaga kaga aadanaa. Aboorkuba alleykuu dhisaa aqallo waaweyne markaan aragnay daartuu ebyey baa la ashqaraaraaye.
Waa su’aale Maxaan innagu Midnimada Ka Weynay?
Wadamada horumaray waxay qorshayaashooda koowaad ku darsadeen sidii ay u heli lahaayeen xulufo iyo gaashaanbuur ay iska kaashadaan arrimaha dhaqaalaha, militariga, siyaasadda iwm, taasi waa ta keentay in maanta Yurub isu habarwacato, dajisana istiraatiijiyo cusub oo ay ku wajahdo caalamkan, kuna talaabsato inay midayso lacagteeda, qorshaysana inay noqdaan hal wadan oo hal meel looga arrimiyo. Maraykanka oo ah wadamada maanta caalamka ugu tugtugta roon ayaa wada hindise la magac baxay (Union of North America) oo uu doonayo inuu ku gaashaan buuraysto wadamada Canada iyo Mexico kaas uga dan leeyahay inuu helo cudud kale oo isaga ka baxsan.Waa suaale muxuu Maraykan oo ku dhaw 300 oo milyan xulufo u raadinayaa Soomaali oo 10 milyan ahina midnimo u saluugtay?.
Gabyaa Soomaaliyeed Baa Yidhi:amaan ma lihid shacabkoow haddaan aad u fiirsadaye
anfariirka Shiinaha dhigay ee Yurub ka uugaantay
ee Alif malyuun gaadhayaa waa Fartaa qudhahe!
idinkoon Ardaa buuxin baad kala irdhoowdeene!
Akhristow dad badan oo iyagu nasiib u helay inay ku hoos noolaadaan dowlad iyo nidaam ayaa hadana si ay u ilaashadaan xuquuqdooda aasaasiga ah waxay samaysteen iskaashatooyin ay ku dhawrtaan sadkooda iyo cadkooda, kuna soo dhacsadaan wixii xuquuqa ee ay tabayaan inay ka maqan tahay, sida dhakhaatiirta, macalimiinta, shaqaalaha guud ahaan, waxaana odhan karnaa waa dareenka ay dareemeen inaanay nolosha ku wejihi Karin keli keli iyo nin toocsi toona.
Gabay Baa Ahaa:Alleylehe waxaan eegayaa inaad israacdaane
Iblayskiyo wixii uurxumiyo arami keenaaya
Aduunyada Intaad joogta waa laga adkaadaaye
Dadkii kale ulbay wada noqdeen adiga mooyaane
Akhristow waxaas oo dhan waxaa ka horeeya kana mudan inaan xusno in ilaahay kor ahaaye ina faray midnimo iyo wadajir, Nabigeenuna meelo badan oo sunnada ka mida ku cadeeyey sida muslimiinta ay waajib ugu tahay inay midoobaan. Waxaan marnaba la soo koobi karin sida qotada dheer ee Shareecadeenu uga hadashay qiimaha midnimada iyo sida ay inoogu boorisay inaan la nimaadno.
Gabyaa Soomaaliyeed Baa Laga Hayaa inuu Yidhi:Isku tiirsi baydiin egiyo ururin xoolaade
Ictisimada Islaamkaa la yadhi gebi ahaantoode
Aaydaha diinta iyo sharcigu waynagu amreene
Axaaddiista Nebigey ku timi saadu aragtaane
Ikhtilaafku waa naar jannana waa isu imaade.
Waa Su’aale innagu Xagaan Midnimada Kala Qaadnay, Maxaanse Ka Weynay?
Akhristow waxaa mudan inaan xusno in midnimada aan ka hadlayno loo baahan yahay in lagu qotansho laguna taago tiirar adag oo aan nuuxsanayn, sal iyo aasaasna looga dhigo ilaahay kitaabkiisa iyo sunnada Nabi Maxamed calayhi salaatu wasalaam,waana arrinka aanay midnimo suura gal ahayn hadaan gacanta lagu qabsan.
Gabyaa Baa Yidhi:Waxse lagu uruurshaa ra'yiga, ama is raac keena
In la helo awood gobonimo iyo, xeer Islaamiyahe
Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoyse
Markaasay utuni beerantaa, laysku aynaba e
Aafadu kolkay durugto ee, layska wada aarto
Agoon dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan
Adaa iile iyo eersasho, bay ku intihootaaye.
Waxaan ku soo koobayaa midnimada waxaa ku jirta liibaanteena aduun iyo tan aakhiraba, waxaynuna u baahan nahay in aan meel iska dhigno khilaafaadkan aan dhamaadka lahayn ee ina dhaxalsiiyey duruufahan taxana ah ee isu keen weydaaranaya. Sidoo kale waa inaan u guntano sidii aan u midoobi lahayn isuna kaashan lahayn, muruq iyo maskaxna aan isugu geyn lahayn. Waxaan ku soo xidhay akhristow ogow inaan midnimada marnaba lagu khasaarin.
WQ: C/khaaliq Jaamac Ismaaciil
darwiish101@gmail.com
darwiish101@gmail.com