Saturday, October 15, 2016

laba nin oo kiristaan ah oo qarxin rabay dad soomaali ah


Dalka Mareykanka, saddex nin ayaa la soo taacay maxkamad, iyaga oo lagu eedeeyay in ay doonayeen in ay qarxiyaan dhismo ay deggan yihiin dad Soomaali ah iyo Masjid ku yaala gobolka Kansas ee dalkaasi.
Raggan oo kala ah Curtis Allen oo 49 jir ah, Gavin Wright oo 49 jir ah, iyo Patrick Eugene Stein oo 47 jir ah ayaa hub iyo walxaha qarxa u diyaarsaday weerarkaasi, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda mareykanka.
Saddexdani nin oo xubno ka ah koox maleeshiyo ah oo lagu magacaabo Crusaders ayaa sidoo kale waxa ay bartilmaameedsanayeen goob lagu magacaabo Garden City.
Raggan ayaa las heegay in ay doonayeen in ay weerarkaasi fuliyaan sagaalka bisha Nofembar, oo ku beegan maalin uun kaddib doorashada mareykanka.
Dacwad oogeyaasha dalkaasi ayaa sheegay in raggani ay diyaariyeen qorshe isla markaana ay doonayeen in ay qarxiyaan dhismahaasi oo ay deganaayeen Soomaali ka mid ah 120 qof oo halkaasi deganaa.
Laba nin oo kiristaan ah oo soomaali qarxin rabay
Sida la sheegay raggani waxa ay ka wadaahdleen in ay afar baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay dhigaan qaybta baabuurta la dhigto ee dhismahaasi isla markaana ay halkaasi qarax ka geystaan.
Raggani ayaa haddii dambigaasi lagu helo waxa ay muteysan karaan in cimri xarig lagu xukumo, waxaana mid ka mid ah raggani uu sheegay in ay dhismahaasi bartilmaameed ka dhigteen sababo la xiriira Soomaali tiro badan oo halkaa deggan.
Arrintan ayaa sababtay in golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka uu ugu baaqo dowladda in la ilaaliyo ammaanka Masaajidda.
Xigasho : BBCSomali
Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan