Tuesday, October 11, 2016

Sidee nafteena u barnaa macaanka quraanka ?


Waxaa is waydiin leh side ayuu ku gaadhay Cumar darajadaa ah fahanka qotoda dheer leh ee uu Quraanka ku dhugtay, Waxaan walaal jeclaan lahaa inaad 4tan qoddob aan isla eegno-iyadoo aanay ahayn intan oo kaliye balse ay jiraan habab fara badan oo Quraanka fahankiisa loo mari karo- oo aan la nimaadno intii tamarteena iyo taagteena ah. 

1. Dariiqa ugu dhow ee fahanka.

Waxa uu yidhi Imaamal Banna ((Dariiqa ugu sahlan ee aad ku fahmi karto Quraanku waa qalbigaaga, waxa shaki la,aan ah in qalbiga muuminku yahay ka ugu fasiridda wacan kitaabka Ilaahay, dariiqa ugu dhaw ee lagu fahmi karaana: waa inaad u akhriso si dhugasho iyo khushuuc leh, oo la waafajiyo hanuunka iyo hagaaga, oo uu fikirkiisoo dhanna uu ku soo weeleeyo akhrinta, waana inuu eego siirada Nebiga ee daahirka ah, oo uu eego qayb gaar ah isago sababta ay ku soo degtay iyo xidhiidhka ay lala leedahayna eegaya, intaa ka dib waxa uu heli nuur uu Ilayskiisu ka soo dhex baxayo qalbiga guntiisa.

2. Dhugashada Quraanka.
Waxa uu Ibnul Qayim yidhi (( arrin ugu sarrayntiisa iyo udubdhexaadkiisu loo maro u hijroodka Ilaahay waa in la joogteeyo fikirka oo la dhugto aayaadka Ilaahay iyadoo uu fikirku hoggaaminayo qalbiguna shaqaynayo, haddii uu macnaha quraanku noqdo meesha uu ka helayo cajaa’ibtiisu qalbigiisa, oo uu ku fadhiisto kursigiisa, oo uu unoqdo shay uu ku raaxaysto,oo uu u noqdo amiir uu arrimihiisa aqbalo, xilligaas ayay u toosaysaa waxa u ku socdaa, una caddaanayaa dariiqu, waxaad arki isagoo xasiloon hadana dabaysha la mid ah socodka: (( Waxaad arkaysaa buurihii ood u malayn inay engagantahay(sugantahay) iyadoo u socota sida daruuraha, waase sancada Eebaha sugay wax kasta, Eebana waa ogaha waxaad falaysaan)) ((Al-Naml:88).

Waxa kale oo uu Ibn Qayim yidhi ((u dhug yeelashada Quraanku: waa inuu qalbigu ka dhex baxo macnihiisa, oo isku keeno fikirka uu ugu dhugyeelanayo iyo garashadiisa caqliyeed, waana waxa loo soo dejiyay, maaha uun in la akhriyo fahan la,aan iyo dhugasho la,aan waxa uu yidhi Ilaahay((Quraanku waa kitaab aan kugu soo dejinay oo barakaysan, si ay u fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh)) (Saad 29) waxa kaloo uu yidhi: (( Miyaanay fiirinin(dhuganin) Quraanka, mise waxaa u yimid waxaan u imanin Aabayaashoodii hore)) (Almuminuun:68)waxa kaloo Ilaahay yidhi: ((Miyaanay Quraanka u fiirsanin(si dhab ah) mise Quluubtoodaa daboolan)) (Mohamed:24))
 
 3. In loo hoggaansamo Aadaabta Quraanka. Waxaa habboon in la raaco habka ugu wacan ee lagu gaadhi karo in si mug leh loo fahmo Quraanka waana:


* Inaad danbi dhaaf waydiiisato Ilaahay inuu kaa qaado xijaabka (dahaadhka) qalbiga kaasoo ku yimid dhoohanaanta iyo danbiyada
* Inaan ku sallino(amaano) Nebigeena Muxamed(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) si ay inoogu dhacdo naxariis ka mid ah naxariisaha Ilaahay uu ugu ballan qaaday qofka ku salliya Nebigiisa.


* In la sadaqaysto-waxyarba ha ahaatee- sadaqadu waxay bakhtiisaa danbiyada sida biyuhuba u bakhtiiyo dabka.


* Inaan Ilaahay waydiisano inuu inagu mannaysto(hibaysto) fahan wacan iyo qalbi soo jeeda.
* In la doorto xilliga ugu habboon(sida saqda dhexe habeenkii- habeenka-salaada subax- aroortii iyo wakhtiyada kale).


* Inaad doorato meel ku habboon oo aanay jirin buuq iyo sawaxan, carruurina joogin dad ku mashquuliyaana jirin.


* Shaydaanka oo la iska naaro bisinkana lagu bilaabo, waana inaad la noolaataa macnaha iska naarida shaydaanka oo u dhugasho yeesho marwalba.


* In aad nafta ka badhax tirto mashquulkeeda iyo waxay tabayso yaanu noqon Qofka Quraanka akhrinaya mid(gaajaysan, harraadan,werwersan, walbahaarsan.


* Ku soo koob fikirkaaga Quraanka oo kaliya 
* La falgal oo ha ku raadeeyaan aayaduhu kolba waxay ka hadlayaan, haddii ay ka hadlayaan rajo iyo yididiilo farax, haddii ay ka hadlayaan ciqaab iyo hanjabaad, goodin iyo digniin ooy oo Ilaahay waydiiso inuu kaa badbaadiyo, farxadi ha ku gasho markaad akhridid aayadaha ka hadlaya jannada baqdini ha ku gasho markaad akhriyaysid aayadaha naarta ka hadlaya, ka jawaab su,aalaha uu quraanku ku waydiinayo, fuli arrimihiisa


* Ha dareemo qofka Quraanka akhrinayaa in isaga si toos ah loola hadlayo, oo takaaliifta laga rabana aqbalaya, isagoo dareenkaa ku noolaanaya.

4. In aad ku celceliso aayadda saamayn wayn ku reebta qalbigaaga.
Waxa jirta inaad akhrido aayado Quraan ah oo aad moodaba inay adiga kugu soo dageen, aayadaha aad macnahooda si fiican u dhugatid ku celceli Ilaa ay ku sugnaanayaan qalbigaaga, tusaale haddaan idinka siiyo naftayda waxa I saamaysa aayadan (( Badanaa inta aayad ku sugan Samooyinka iyo dhulka oo ay iska dhaafayaan iyagoo ka jeedsan)) (Yuusuf:105) markasta oo aan arko qof waalan oo uu Ilaahay miyirkiisa ka qaaday, qof xanuun ragaadiyay, mayd dhintay oo lagu sii wado xabaalaha, abaaro ba,an oo dhacay, duufaano wax dumiya, dagaalo ba,an oo dhacaya, ayaan walaahi aayadaasi aan akhriyaa, oo aan idhaah “Ilaahoow noo sahal” waxaasoo dhanna waxa jira dad ka fayaw balse aan Ilaahay ka guddoomayn galladiisa.

Imikana aan eegno sida uu Nebigu (nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) saxaabadii iyo intii ku raacday wanaagu ay u dareemeen Quraanka macnihiisa oo ay ugu celcelin jireen aayadda saamaysa.

Waxaa laga soo weriyay Abaa Dar Ilaaahay raali ha ka ahaadee inuu yidhi: waxa uu Nebigu (nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) ahaa kii ku celceliya aayad ilaa uu waagu baryay waana aayaddan ((Haddii aad cadaabto waa addoomahaagii).

Tamiima Daarina Ilaaahay raali ha ka ahaadee waxaa laga soo weriyay inuu ku celceliyay aayadan ((Ma waxay u malaynayaan kuwii kasbaday xumaantu inaan kala mid dhigayno kuwa xaqa rumeeyay ee camal fiican falay oo kale)) (Al-Jaathiyah: 21).

Cubaadata Ibn Xamsa waxa uu yidhi: waxaan usoo galay Asma Ilaaahay raali ha ka ahaadee iyadoo akhrinaysa((Eebaase nagu mannaystay (danbi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaada Samuumka (jahannama)))(Adh- dhuur: 27).

Markaasan ag istaagay waxayna ahayd tii ku celcelisa, wayna ku dheeraatay waxaanan qabtay suuqa, waxaanan soo dhamaystay arrimahagii markaasaan soo noqday iyadoo wali ku celcelinaysa waxaanan u sheegay arrintaasi Caa, isha Ilaaahay raali ha ka ahaadee.

Ibn Mascuudna Ilaaahay raali ha ka ahaadee waxa uu ku celcelinayay ((Waxaanad tidhaahdaa Eeboow cilmi ii kordhi)) (Dhaahaa: 114)
Siciid Ibn Jubayrna waxa uu ku celcelin jiray ((Ka dhawrsada maalinta la idiin soo celin Eebe)) (Al-Baqrah: 281). Waxa kaluu ku celcelin jiray ((Way ogaan doonaan cidhibtooda (70) marka katiinado loo galiyo luquntooda))(Ghaafir)
Waxa kaloo ku celceliyay ((Maxaa kugu kadiyay Eebaha sharafta leh))(Al-infidhaar:

6) Daxaakna waxa uu ahaa marka uu akhriyo hadalka Ilaahay ((korkooda waxa ah lakabyo naar ah, hoostoodana waxa ah lakabyo naar ah)) (Az-Zumur:16)
waxa uu ahaa kii ku celceliya ilaa laga gaadho suxuurta sidaasay ahaayeen kuwii ugu celceliya, ilaa ay quluubtooda dagayso, Ilaahay ha inaga yeelo kuwii Quraanka fahma ee ku dhaqma maalinta qiyaamana uu u shafeeco qaado kana dhigta halyastiina "Quraanku waa Dastuurkayaga"


  
Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Emailabdulqany@yahoo.co.uk
            abdilghani@gmail.com
Address: Sha'ab roadHargaisa/Somaliland
Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan