Saturday, November 26, 2016

Baro sida Gmail-ka fariin qurux badan loo diro ( Video )

Fariin Qurux Badan:

Sidee “Loo Diraa adigoo adeegsanaaya” Gmailka


Fariin qurux badan side loo diraa inagoo isticmaalayna ciwaankeena Gmailka.

Shirkadaha bixiya emailada waxay isdheer yihiin sir uusan midba midka kale ogaan karin asalkeeda , Gmail dadka isticmaala waxay nasiib u helaan waxyaabo badan oo bilaash ah oo uu suuro geliyo gmailku, mida ugu muhiimsan ayaa ah sida aad u diri karto fariin aad u qurux badan 100% la hubo inay ka tayo sarayso shirkadaha bixiya adeega fariin dirida ee email loogu yeedho luuqada qalaad ee ingiriisiga ..

Waxaan casharkan ku baranaynaa sida ugu wanaagsan uguna quruxda badan ee fariin gmailka aan ka dirno ugu diri karno qof kale oo isticmaala ciwaanada kala duwan ee bini aadamku adeegsadaan wakhtiga casriga sida Hotmail,Gmail iwm.

Waxaan filaayaa inuu casharkani ku farxad gelin doono!

Waxaa soo diyaariyey Nuradiin Nacayb tire


Ma leedahay gmail – Ma hubtaa inaad leedahay: “Ma isticmaashaa adigoo adeegsanaaya ___”


Waxaynu bilaabaynaa casharkeena oo manta muhiimad gaar ah u leh qofkasta oo soomaali ah

Fariin markaynu dirayno :

Waxaynu u baahanahay inaan qorno oo diyaarsano ciwaanka iyo mawduuca ciwaanka iyo fariinta, iwm):
Fariin gmailka laga diraayo oo cusub
Mawduuca:

(Markaynu dirayno fariin maxay tahay sababta ay muhiimada u leedahay? Sababta ay muhiimada u leedahay wax kale maaha ee waxaynu rabnaa inaan fariinteena gaadhsiino qof ehelkeena asxaabteena ama shakhsi shaqo inaga dhaxayso inagoo adeegsanayna aaladan casriga ah ee gmailka. Waxaan qoray maqaalkan. Iyada oo aan soo raaciyay muuqaal video ah oo kaa caawin doona sida ugu haboon ee aad u dirayso fariin. Adigu waxaad noqonaysaa qofka ka faaiidaysanaaya . waxaad kaloo tahay qofka tamar ku bixinaayaa inuu fahmo casharkan, Hada maxaynu qabanaynaa? Wakhti xaadarkan sow maaha inaan casharkeena bilaabano ? Jawaabtu waa haa , sidaas awgeed hoos ka daawo muuqaalka aan soo duubnay ee aan soo gelinay Qalbi Somali  Daawasho wacan.)


Soo diyaarinta casharkan waxaa xuquuqda iska leh  Aqoonta cusub (Diyaarinta Nuradiin Nacaybtire):



Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Saturday, November 19, 2016

Sidee bloggerka wax loogu qoraa 100% sida ugu haboon


Maxaynu u baahanahay ugu horeyn ?

  1. Ciwaankaaga gmailka ku gal bloggerka
  2. Marka xigtana meesha ay ku qoran tahay New Post ku dhufo
  3. Qor ciwaanka qormadaada ama maqaalkaaga
  4. Ka dibna meesha meesha banaan ee loogu talo galay qoraalka ku qor maqaalkaaga
  5. Markaad dhamayso ka dib fiiri dhinaca midig oo buuxi shuruuda Labels-ka
  6. Buuxi links-ka meesha loogu talo galay
  7. Buuxi meesha Search Description
  8. Buuxi meesha Locations

Somali blogger
5.3 Milyan oo sheeko ayaa lagu qoraa oo kala duwan

  • kuwaas oo isugu jira  sheekooyin mala awaal ah oo caruurta loogu sheekeeyo Sheekooyin jacaylka iyo lamaanaha la xidhiidha oo umaduhu soo geliyaan iyagoo meel kasta kala jooga kuna kala aragti duwan sheekooyinkoodaas
  • Dadka samaystay Sanadkii 2015

    wuxuu ahaa sanadkii ugu weynaa ee blogger ka ay sameystaan dad aad u badan oo geyiga soomaaliyeed ku nool sida uu google warbixin ku soo saaray sidaas awgeed hada waad ka mid noqon kartaa qof leh blog u gaar ah sidan oo kale qalbisomali.blogspot.com
  • Halkan ka daawo muuqaal video ah oo aan idiin soo diyaarinay si aad uga faaiidaysataan
  • Casharkan oo muhiimad gaar ah u leh dadka bilowga ku ah bloggerka iyo kuwa raba inay aqoontooda sii kordhistaan.
Hadii aad danaynso inaan kuu samayno blog sida tayo iyo muuqaal sare leh
Nala soo xidhiidh oo hada fiiri dhinaca midig qaybta hoose waxaa ku diyaar ah Chat ama meesha aad si toos ah noo waydiin kartid wax kasta oo aad u baahan tahay , hada na waydii wixii aad rabto waxaanu nahay Online  

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Monday, November 14, 2016

Calmaaniyada iyo Sababaha dhaliyay asalkeeda

Qeexitaanka Cilmaaniyadda;

Kelmada ah cilmaaniyad waxa si toos ah looga turjumay ereyga (Secularism) ereygan oo isna laga soo dheegtay ereyga laatiiniga ah ee (Saeculem) oo macnihiisu yahay jiil ama qarni.

Qaamuuska Oxford-ku waxa uu kelmedan Cilmaaniyada (Secularism) ku qeexayaa in ay tahay:

Arrimo la xidhiidha maslaxada dunida oo keliya
Baaq lagu doonaya in noolaha lagu maamulo cilmi la dejiyey iyo caqliga. dadkana laga fogeeyo arrimaha diinta.
Cilmaaniyadu waxa ay dunida reer galbeedka ka soo shaac-baxday qarnigii 17aad ilaa qarnigii sagaal iyo tobnaadna waxa ay ku faaftay wadamo badan oo bariga dhexe ku yaal oo ay ugu horeeyaan, Masar, Turkiga, Iiraan, Lubnaan, Suuriya iyo wadamo kale oo badan.

Baaderiyada iyo aqoonyahannada reer galbeedka waxa dhawr qarni ka dhex-socday loollan nuxurkiisu ahaa in diinta iyo maamulka la kala saaro. Baaderiyadu waxa ay doonayeen in diinta lagu xukumo dawladaha, halka aqoonyahannaduna doonayeen in la kala saaro diinta iyo maamulka. Kacaankii warshadaha ee ka hanaqaaday yurub intii u dhexaysay 1760-kii ilaa 1860-kii waxbaa is-bedelay, oo waxa toos u guulaystay fikirkii aqoonyahannada ee ahaa in la kala saaro diinta iyo maamulka dawladaha. Halkaasina waxa ka soo mudh-baxay in maamulka dawladaha ay hogaamiyaan aqoonyahannadu, oo kiniisaduhu diintooda ku eekaadaan. Wixii ka dambeeyey heshiiskaasi waxa dhashay nidaamka cilmaaniyadda ee afka qalaad loogu yeedho” Secularism” oo ku dhisan in uu qof kastaa si xor ah xakame la’aan u fikiro, diintana ka fogaado, una dhaqmo xishood la’aan sida xoolaha, naftana si xorriyad ah looga haqabtiro wax kasta oo ay jeclaato “Free Life”. Hanaqaadkii nidaamka cilmaaniga waxa hareer socotay diin la’aan ku baahday dadkii rumeysnaa diinta Kiristaanka.

Nidaamka cilmaaniyadu markuu si fiican u hirgelay, laguna tallaabsaday hourmarkii kacaankii warshadaha, bulshada reer galbeedka waa la-dhalanrogay oo waxa laga dhaadhiciyey diintu in ay tahay dib-u-dhaca oo aanay la jaanqaadi Karin hourmrka iyo ilbaxnimada sebenkan cusub, ka dibna sidii la doono ayaa loo maamulay. Ka dib diintii Masiixiga waxa lagu sameeyey is-bedel weyn, waxaana la soo saaray kitaab cusub” New Testament Bible” waxa kale oo la qorsheeyey in halkii qarni la sameeyo is-bedel la jaanqaadi kara waayaha dunida iyo dabeecadaha bulshada reer galbeedka. Hase yeeshee diinta islaamku waxa ay aaminsantahay in qofka muslimka ah dhammaantiiba uu ilaahay leeyahay sida ku cad aayada 162 ee suuratul Ancaam.

Dr. Yuusuf Al Qardaawi ayaa yidhi “Haddii la kala saaro danaha dadka iyo diinta, diintu waxa ay yeelan doontaa dad masaajidada fadhiya oo aan kaalin ku yeelan bulshada iyo dawladaba, sidaasina waa sida Kiristaan. islaamku umuu soo degin sidaasi”.
Aragtiyo faro badan oo kala duwan ayey aaminsan yihiin dadka cilmaaniyiinta ahi. Bal aan eegno kuwan hoose:

  • Qayb ka mid ahi waxa ay diidan yihiin jiritaanka ilaahay
  • Qaybo kalena Ilaahay way rumaysan yihiin, laakiin waxa ay aaminsan yihin in aanay wax xidhiidh ahi ka dhexayn illaahay iyo noolaha.
  • Waxa kale oo ay aamisnan yihiin in la kala saaro diinta iyo nolosha, noloshana lagu dhiso caqli cilmi iyo tijaabooyin
  • In lagu dhaqmo mabda loo yaqaan (Pragmatism) oo ay yidhaahdaaan waa aragti ku habboon dhamaan qaybaha nolosha.
Saamaynta Cilmaaniyadu Ku Yeelatay Diinta Kiristaanka
Sidii ay cilmaaniyadu ugu durkaysay diintii kiristaanka ee kolba tiir loo bedelayey, waxa ay diintii kiristaanku ku dambaysay qodobadan hoos ku qoran:

  • Sahan lagu tirokoobay gaboodfalkii ay la kulmeen ardayda dhigata dugsiyada kaniisadda ee loo tababaro in ay noqdaan xerta Baaderiga weyn, 80% iyagoo tiiraanyeysan waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay Baaderiyadu faraxumeeyeen yaraantoodii.
  • Diin la’aan darted sida xoolaha ayaa loo dhaqmay waxaana laga tegay guurkii oo waxa lagu bedelay isla-noolaahso la macna ah dhilleysi ka mid noqday nolol maalimeedka bulshada.
  • Diin la’aan baahday ka dib dalalka reer galbeedku waxa ay dib u soo nooleeyeen dhaqan xumadii lagu halaagay qowmkii Nebi Luud” SC”. Kiniisad ku taala dalka Denmarki qaybteed lagu magacaabo “ Lutheran” ayaa markii ugu horaysay sharciyeysay guurka lammaane isku jinsi ah.  Taasi oo nuxurkeedu yahay  in laba nin is-khaniisaan amma laba naagood is-fara-fareeyaan.
  • Xaalku meel fool-xun ayuu ku biyo-shubtay, olole socday muddo sannado ah ka dib, waxa la arkay Baaderi Khaniis ah” Gay Bishop” in uu madax ka noqdo Kiniisadda, loona aqoonsado weli-karaameysan oo xidhiidhiya Alle iyo adoomadiisa, waana diin la’aan iyo dadnimo la’aan tii ugu weynayd ee abid la arko. Nin dabadiisa xafidi waayey in diin madax looga dhigo waa mucjiso maanka fayow diidaan yahay. Sidoo kale heerkaasi waxa si ka sii xun gaadhay diinta yuhuudda oo maant magac ahaan u jirta, balse aan lagu dhaqmin.
Cilmaanigu wuxuu rumaysan yahay arimahan cilmaaniyada cilmaani
Cilmaaniga iyo cilmaaniyada iyo cilmaani

Nidaamka cilmaaniga in kastuu dadka ka fogeeyey barashada iyo ku dhaqanka diinta Kiristaanka, haddana weli waxa jira dad aaminsan in aan ilaahayba jirin. Horaantii qarnigii 20aad waxa yurubta bari iyo dalal kala ka hirgalay nidaamka Shuuciyada oo diidan jiritaanka Alle”SWT”. Marka la qiimeeyo nuxurka nidaamkaasi wuxuu u eeg-yahay diin shaydaan ku soo dejiyey Rusushiisa MARK iyo LINEN. Shuuciyada ayaa ka weli-cas nidaamka cilmaaniyadda.
Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland

la Soco Qaybaha Dambe………………………………………………………..

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Monday, October 24, 2016

8Jeer oo hadraawi la hadlaayo illaahay maansada dabahuwan dhexdeeda


Waa Kuma hadraawi

Hadraawi waa abwaan soomaaliyeed oo murtidiisa iyo xikmadiisa ay jecelyihiin umada soomaaliyeed meelkasta ha joogaane , hadraawi hadana waa abwaan jecel dadnimada iyo damiirka wanaagsan ee qofka gaadhsiinaayaa aayaha nolosha , sida ka muuqataa hadaladiisa hadraawi wuxuu ka soo horjeedaa dulmiga iyo nacaybka bulshada iyo kala tafaraaruqa .



Muxuu soo tebinaayaa Hadraawi

U fiirso hadraawi wuxuu halkan ku soo tebinaayaa arimo dhawr ah oo miisaanka nolosheena qayb weyn ku leh taas oo uu isbarbardhig ku samaynaayo nimcada illaahay inagu galadaystay ee wanaaga oo dhami ku jiraan iyo sida bini aadamku u yahay mid aan intiisa badani arintaas ku baraarugsanayn qof illaahay u naxariisto mooyaane .

Hadaba aan bilaabano sideed sawir qoraaleed oo aan ka soo xiganay maansada dabahuwan



Hadraawi oo ka hadlaaya qofka ka jeesta hanuunka illaahay
Wuxuu yidhi hadraawi , Naftiisa qofkii dulmiyey dayrkaaga rabiyow ka baxay
Muxuu halis daaqaayaa

hadraawi oo ka hadlaayaa bini aadamka iyo nimcooyinka alle
Hadraawi wuxuu leeyahay : Addoonku rabbow ma dayo deeqdaada intuu hantiyo , dunitii maqan buu tebaa , wax uu degdeg kaaga filay , haddaanay ku soo dul quban , cadhuu la dakaamaayaa

dibnuhu baryahaday karaan daryeel kama mahad ceshaan
 Hadraawi wuxuu leeyahay :: Dibnuhu baryaday karaan , daryeel kama mahad ceshaan, jiilaal la darbaysan yahay diihaal iyo gaajo kulul hadii bari roob ka da'o qof doogey markaas illow , suduu u deyn yiqiin 

qofkaad u doortay si khayr ku jiro
Hadraawi wuxuu ka hadlaayaa qof illaahay nimco oo dhan siiyay sharna u diiday khayrna u dooray hadana leh maxaan xumaantaas u samayn waayay oo isagu raba inuu dambi ku dhaco  
hadraawi oo qiraaya cilmiga alle
Abwaan hadraawi markan illaahay ayuu u qiraayaa wax kasta inuu ogyahay wax soo socda iyo wax dhici doona iyo wixii dhacay 
illaahay wuxuu leeyahay dadyahow sidaas ha samaynina hadana wuxuu ku daray arintaas naxariis oo wuxuu quraanka markasta inoogu sheegaa inay naxariistiisu ka weyn tahay dambiyadeena , sidaas ayuu hadraawina leeyahay | Dardaar warintaada guud adaa naxariis ku daray

illaahay wuxuu sifaad leeyahay dareenka bini aadamku ma gaadhi karaan sidoo kale garaadku ma duubi karo dibnuhu ma macnayn karaan sidaas ayuu abwaan hadraawi ka hadlaayaa 
Abwaan hadraawi wuxuu markan ka hadlaayaa hadii bini aadamka oo dhan isu tagaan oo cilmi iyo xoog isu geeyaan inay awoodooda daciifnimadooda markay arkaan inay dib u soo guranaayaan ayuu sheegaa abwaanku

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Samaynta website qurux badan