Monday, October 24, 2016

Shacabka Somaliland iyo Soomaaliya sidee u arkaan saldhig military oo berbera cimaaraadku ka sameeyo



Cimaaraadka iyo Somaliland 


Waxa dawladda Imaaraadku waydiisatay Somaliland in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera, taas oo madba' ahaan ay dawladdu aqbashay.



Hadaba halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa aragtiyaha qaarkood gaar ahaan bulshada soomaaliyeed ee ka soo horjeeda arintan in kastoo ay shacabka somaliland dhammaan soo wada dhaweeyeen arinta inyar mooyee.
Dhammaan aragtiyahan waxaa lagu soo bandhigay barta ay facebook ku leeyihiin idaacada Somalivoa waana meesha aan ka soo xiganay , dadkani waxay isugu jiraan dad u dhashay somaliland iyo kuwoo aan u dhalan somaliland  laakiin si guud ayaan u soo xiganay anagoo ka raacayna xeerka xoriyada hadalka , hadaba hoos ka akhriso aragtida dadweynaha ee ku aadan arintan.

 Rayiga dadweynaha qofka 1aad


Qofkan waa Somalilander aragtidiisu ku aadan tahay in saldhiga militari ee berbera uu cimaaraadku ka samaysanaayo ay somaliland kaga bedelo wax muhiim ah 

Rayiga dadweynaha qofka 2aad

Qofkan wuxuu sida hadalkiisa ka muuqata waa qof Somalia ka soo jeeda oo cimaaraadka ku eedaynaayaa inay kala qaybinaayaan wadanka Soomaaliyeed, sidaas waxaa ah aragtidiisa


Rayiga dadweynaha qofka 3aad




Qofkan ma diidin iskaashiga cimaaraadka iyo somaliland balse wuxuu ku doodaayaa isaga aragtidiisa in cimaaraadku aqoonsadaan somaliland, dhalinyaro badana shaqaaleeyaan


Rayiga dadweynaha qofka 4aad



Aragtida qofkani waa inuu aaminsan yahay in muqdisho laga maamulo dalka oo dhan Somaliland iyo Somalia labadaba caasimadoodu tahay muqdisho isagoo meesha ka saaray caasimada somaliland ee hargeysa


Rayiga dadweynaha Qofka 5aad

Qofka ugu dambeeya rayi uruurintan aan samaynay wuxuu leeyahay isii aan ku siiyo waa arinta ugu wanaagsan ee cimaaraadka iyo somaliland ha kala danaystaan

Rayi uruurintan waxaa ku jira arimo badan oo maanka dadweynaha ka guuxaayaa isla markaana dadku ay jecel yihiin inay dawlada iyo cida ay khusayso u sheegaan hadaba sidee adiga kula yihiin arimahan , qaybta commentiga ee hoose faaladaada ku qor
Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan