Saturday, November 26, 2016

Baro sida Gmail-ka fariin qurux badan loo diro ( Video )

Fariin Qurux Badan:

Sidee “Loo Diraa adigoo adeegsanaaya” Gmailka


Fariin qurux badan side loo diraa inagoo isticmaalayna ciwaankeena Gmailka.

Shirkadaha bixiya emailada waxay isdheer yihiin sir uusan midba midka kale ogaan karin asalkeeda , Gmail dadka isticmaala waxay nasiib u helaan waxyaabo badan oo bilaash ah oo uu suuro geliyo gmailku, mida ugu muhiimsan ayaa ah sida aad u diri karto fariin aad u qurux badan 100% la hubo inay ka tayo sarayso shirkadaha bixiya adeega fariin dirida ee email loogu yeedho luuqada qalaad ee ingiriisiga ..

Waxaan casharkan ku baranaynaa sida ugu wanaagsan uguna quruxda badan ee fariin gmailka aan ka dirno ugu diri karno qof kale oo isticmaala ciwaanada kala duwan ee bini aadamku adeegsadaan wakhtiga casriga sida Hotmail,Gmail iwm.

Waxaan filaayaa inuu casharkani ku farxad gelin doono!

Waxaa soo diyaariyey Nuradiin Nacayb tire


Ma leedahay gmail – Ma hubtaa inaad leedahay: “Ma isticmaashaa adigoo adeegsanaaya ___”


Waxaynu bilaabaynaa casharkeena oo manta muhiimad gaar ah u leh qofkasta oo soomaali ah

Fariin markaynu dirayno :

Waxaynu u baahanahay inaan qorno oo diyaarsano ciwaanka iyo mawduuca ciwaanka iyo fariinta, iwm):
Fariin gmailka laga diraayo oo cusub
Mawduuca:

(Markaynu dirayno fariin maxay tahay sababta ay muhiimada u leedahay? Sababta ay muhiimada u leedahay wax kale maaha ee waxaynu rabnaa inaan fariinteena gaadhsiino qof ehelkeena asxaabteena ama shakhsi shaqo inaga dhaxayso inagoo adeegsanayna aaladan casriga ah ee gmailka. Waxaan qoray maqaalkan. Iyada oo aan soo raaciyay muuqaal video ah oo kaa caawin doona sida ugu haboon ee aad u dirayso fariin. Adigu waxaad noqonaysaa qofka ka faaiidaysanaaya . waxaad kaloo tahay qofka tamar ku bixinaayaa inuu fahmo casharkan, Hada maxaynu qabanaynaa? Wakhti xaadarkan sow maaha inaan casharkeena bilaabano ? Jawaabtu waa haa , sidaas awgeed hoos ka daawo muuqaalka aan soo duubnay ee aan soo gelinay Qalbi Somali  Daawasho wacan.)


Soo diyaarinta casharkan waxaa xuquuqda iska leh  Aqoonta cusub (Diyaarinta Nuradiin Nacaybtire):



Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Saturday, November 19, 2016

Sidee bloggerka wax loogu qoraa 100% sida ugu haboon


Maxaynu u baahanahay ugu horeyn ?

  1. Ciwaankaaga gmailka ku gal bloggerka
  2. Marka xigtana meesha ay ku qoran tahay New Post ku dhufo
  3. Qor ciwaanka qormadaada ama maqaalkaaga
  4. Ka dibna meesha meesha banaan ee loogu talo galay qoraalka ku qor maqaalkaaga
  5. Markaad dhamayso ka dib fiiri dhinaca midig oo buuxi shuruuda Labels-ka
  6. Buuxi links-ka meesha loogu talo galay
  7. Buuxi meesha Search Description
  8. Buuxi meesha Locations

Somali blogger
5.3 Milyan oo sheeko ayaa lagu qoraa oo kala duwan

  • kuwaas oo isugu jira  sheekooyin mala awaal ah oo caruurta loogu sheekeeyo Sheekooyin jacaylka iyo lamaanaha la xidhiidha oo umaduhu soo geliyaan iyagoo meel kasta kala jooga kuna kala aragti duwan sheekooyinkoodaas
  • Dadka samaystay Sanadkii 2015

    wuxuu ahaa sanadkii ugu weynaa ee blogger ka ay sameystaan dad aad u badan oo geyiga soomaaliyeed ku nool sida uu google warbixin ku soo saaray sidaas awgeed hada waad ka mid noqon kartaa qof leh blog u gaar ah sidan oo kale qalbisomali.blogspot.com
  • Halkan ka daawo muuqaal video ah oo aan idiin soo diyaarinay si aad uga faaiidaysataan
  • Casharkan oo muhiimad gaar ah u leh dadka bilowga ku ah bloggerka iyo kuwa raba inay aqoontooda sii kordhistaan.
Hadii aad danaynso inaan kuu samayno blog sida tayo iyo muuqaal sare leh
Nala soo xidhiidh oo hada fiiri dhinaca midig qaybta hoose waxaa ku diyaar ah Chat ama meesha aad si toos ah noo waydiin kartid wax kasta oo aad u baahan tahay , hada na waydii wixii aad rabto waxaanu nahay Online  

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Monday, November 14, 2016

Calmaaniyada iyo Sababaha dhaliyay asalkeeda

Qeexitaanka Cilmaaniyadda;

Kelmada ah cilmaaniyad waxa si toos ah looga turjumay ereyga (Secularism) ereygan oo isna laga soo dheegtay ereyga laatiiniga ah ee (Saeculem) oo macnihiisu yahay jiil ama qarni.

Qaamuuska Oxford-ku waxa uu kelmedan Cilmaaniyada (Secularism) ku qeexayaa in ay tahay:

Arrimo la xidhiidha maslaxada dunida oo keliya
Baaq lagu doonaya in noolaha lagu maamulo cilmi la dejiyey iyo caqliga. dadkana laga fogeeyo arrimaha diinta.
Cilmaaniyadu waxa ay dunida reer galbeedka ka soo shaac-baxday qarnigii 17aad ilaa qarnigii sagaal iyo tobnaadna waxa ay ku faaftay wadamo badan oo bariga dhexe ku yaal oo ay ugu horeeyaan, Masar, Turkiga, Iiraan, Lubnaan, Suuriya iyo wadamo kale oo badan.

Baaderiyada iyo aqoonyahannada reer galbeedka waxa dhawr qarni ka dhex-socday loollan nuxurkiisu ahaa in diinta iyo maamulka la kala saaro. Baaderiyadu waxa ay doonayeen in diinta lagu xukumo dawladaha, halka aqoonyahannaduna doonayeen in la kala saaro diinta iyo maamulka. Kacaankii warshadaha ee ka hanaqaaday yurub intii u dhexaysay 1760-kii ilaa 1860-kii waxbaa is-bedelay, oo waxa toos u guulaystay fikirkii aqoonyahannada ee ahaa in la kala saaro diinta iyo maamulka dawladaha. Halkaasina waxa ka soo mudh-baxay in maamulka dawladaha ay hogaamiyaan aqoonyahannadu, oo kiniisaduhu diintooda ku eekaadaan. Wixii ka dambeeyey heshiiskaasi waxa dhashay nidaamka cilmaaniyadda ee afka qalaad loogu yeedho” Secularism” oo ku dhisan in uu qof kastaa si xor ah xakame la’aan u fikiro, diintana ka fogaado, una dhaqmo xishood la’aan sida xoolaha, naftana si xorriyad ah looga haqabtiro wax kasta oo ay jeclaato “Free Life”. Hanaqaadkii nidaamka cilmaaniga waxa hareer socotay diin la’aan ku baahday dadkii rumeysnaa diinta Kiristaanka.

Nidaamka cilmaaniyadu markuu si fiican u hirgelay, laguna tallaabsaday hourmarkii kacaankii warshadaha, bulshada reer galbeedka waa la-dhalanrogay oo waxa laga dhaadhiciyey diintu in ay tahay dib-u-dhaca oo aanay la jaanqaadi Karin hourmrka iyo ilbaxnimada sebenkan cusub, ka dibna sidii la doono ayaa loo maamulay. Ka dib diintii Masiixiga waxa lagu sameeyey is-bedel weyn, waxaana la soo saaray kitaab cusub” New Testament Bible” waxa kale oo la qorsheeyey in halkii qarni la sameeyo is-bedel la jaanqaadi kara waayaha dunida iyo dabeecadaha bulshada reer galbeedka. Hase yeeshee diinta islaamku waxa ay aaminsantahay in qofka muslimka ah dhammaantiiba uu ilaahay leeyahay sida ku cad aayada 162 ee suuratul Ancaam.

Dr. Yuusuf Al Qardaawi ayaa yidhi “Haddii la kala saaro danaha dadka iyo diinta, diintu waxa ay yeelan doontaa dad masaajidada fadhiya oo aan kaalin ku yeelan bulshada iyo dawladaba, sidaasina waa sida Kiristaan. islaamku umuu soo degin sidaasi”.
Aragtiyo faro badan oo kala duwan ayey aaminsan yihiin dadka cilmaaniyiinta ahi. Bal aan eegno kuwan hoose:

  • Qayb ka mid ahi waxa ay diidan yihiin jiritaanka ilaahay
  • Qaybo kalena Ilaahay way rumaysan yihiin, laakiin waxa ay aaminsan yihin in aanay wax xidhiidh ahi ka dhexayn illaahay iyo noolaha.
  • Waxa kale oo ay aamisnan yihiin in la kala saaro diinta iyo nolosha, noloshana lagu dhiso caqli cilmi iyo tijaabooyin
  • In lagu dhaqmo mabda loo yaqaan (Pragmatism) oo ay yidhaahdaaan waa aragti ku habboon dhamaan qaybaha nolosha.
Saamaynta Cilmaaniyadu Ku Yeelatay Diinta Kiristaanka
Sidii ay cilmaaniyadu ugu durkaysay diintii kiristaanka ee kolba tiir loo bedelayey, waxa ay diintii kiristaanku ku dambaysay qodobadan hoos ku qoran:

  • Sahan lagu tirokoobay gaboodfalkii ay la kulmeen ardayda dhigata dugsiyada kaniisadda ee loo tababaro in ay noqdaan xerta Baaderiga weyn, 80% iyagoo tiiraanyeysan waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay Baaderiyadu faraxumeeyeen yaraantoodii.
  • Diin la’aan darted sida xoolaha ayaa loo dhaqmay waxaana laga tegay guurkii oo waxa lagu bedelay isla-noolaahso la macna ah dhilleysi ka mid noqday nolol maalimeedka bulshada.
  • Diin la’aan baahday ka dib dalalka reer galbeedku waxa ay dib u soo nooleeyeen dhaqan xumadii lagu halaagay qowmkii Nebi Luud” SC”. Kiniisad ku taala dalka Denmarki qaybteed lagu magacaabo “ Lutheran” ayaa markii ugu horaysay sharciyeysay guurka lammaane isku jinsi ah.  Taasi oo nuxurkeedu yahay  in laba nin is-khaniisaan amma laba naagood is-fara-fareeyaan.
  • Xaalku meel fool-xun ayuu ku biyo-shubtay, olole socday muddo sannado ah ka dib, waxa la arkay Baaderi Khaniis ah” Gay Bishop” in uu madax ka noqdo Kiniisadda, loona aqoonsado weli-karaameysan oo xidhiidhiya Alle iyo adoomadiisa, waana diin la’aan iyo dadnimo la’aan tii ugu weynayd ee abid la arko. Nin dabadiisa xafidi waayey in diin madax looga dhigo waa mucjiso maanka fayow diidaan yahay. Sidoo kale heerkaasi waxa si ka sii xun gaadhay diinta yuhuudda oo maant magac ahaan u jirta, balse aan lagu dhaqmin.
Cilmaanigu wuxuu rumaysan yahay arimahan cilmaaniyada cilmaani
Cilmaaniga iyo cilmaaniyada iyo cilmaani

Nidaamka cilmaaniga in kastuu dadka ka fogeeyey barashada iyo ku dhaqanka diinta Kiristaanka, haddana weli waxa jira dad aaminsan in aan ilaahayba jirin. Horaantii qarnigii 20aad waxa yurubta bari iyo dalal kala ka hirgalay nidaamka Shuuciyada oo diidan jiritaanka Alle”SWT”. Marka la qiimeeyo nuxurka nidaamkaasi wuxuu u eeg-yahay diin shaydaan ku soo dejiyey Rusushiisa MARK iyo LINEN. Shuuciyada ayaa ka weli-cas nidaamka cilmaaniyadda.
Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland

la Soco Qaybaha Dambe………………………………………………………..

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Monday, October 24, 2016

8Jeer oo hadraawi la hadlaayo illaahay maansada dabahuwan dhexdeeda


Waa Kuma hadraawi

Hadraawi waa abwaan soomaaliyeed oo murtidiisa iyo xikmadiisa ay jecelyihiin umada soomaaliyeed meelkasta ha joogaane , hadraawi hadana waa abwaan jecel dadnimada iyo damiirka wanaagsan ee qofka gaadhsiinaayaa aayaha nolosha , sida ka muuqataa hadaladiisa hadraawi wuxuu ka soo horjeedaa dulmiga iyo nacaybka bulshada iyo kala tafaraaruqa .



Muxuu soo tebinaayaa Hadraawi

U fiirso hadraawi wuxuu halkan ku soo tebinaayaa arimo dhawr ah oo miisaanka nolosheena qayb weyn ku leh taas oo uu isbarbardhig ku samaynaayo nimcada illaahay inagu galadaystay ee wanaaga oo dhami ku jiraan iyo sida bini aadamku u yahay mid aan intiisa badani arintaas ku baraarugsanayn qof illaahay u naxariisto mooyaane .

Hadaba aan bilaabano sideed sawir qoraaleed oo aan ka soo xiganay maansada dabahuwan



Hadraawi oo ka hadlaaya qofka ka jeesta hanuunka illaahay
Wuxuu yidhi hadraawi , Naftiisa qofkii dulmiyey dayrkaaga rabiyow ka baxay
Muxuu halis daaqaayaa

hadraawi oo ka hadlaayaa bini aadamka iyo nimcooyinka alle
Hadraawi wuxuu leeyahay : Addoonku rabbow ma dayo deeqdaada intuu hantiyo , dunitii maqan buu tebaa , wax uu degdeg kaaga filay , haddaanay ku soo dul quban , cadhuu la dakaamaayaa

dibnuhu baryahaday karaan daryeel kama mahad ceshaan
 Hadraawi wuxuu leeyahay :: Dibnuhu baryaday karaan , daryeel kama mahad ceshaan, jiilaal la darbaysan yahay diihaal iyo gaajo kulul hadii bari roob ka da'o qof doogey markaas illow , suduu u deyn yiqiin 

qofkaad u doortay si khayr ku jiro
Hadraawi wuxuu ka hadlaayaa qof illaahay nimco oo dhan siiyay sharna u diiday khayrna u dooray hadana leh maxaan xumaantaas u samayn waayay oo isagu raba inuu dambi ku dhaco  
hadraawi oo qiraaya cilmiga alle
Abwaan hadraawi markan illaahay ayuu u qiraayaa wax kasta inuu ogyahay wax soo socda iyo wax dhici doona iyo wixii dhacay 
illaahay wuxuu leeyahay dadyahow sidaas ha samaynina hadana wuxuu ku daray arintaas naxariis oo wuxuu quraanka markasta inoogu sheegaa inay naxariistiisu ka weyn tahay dambiyadeena , sidaas ayuu hadraawina leeyahay | Dardaar warintaada guud adaa naxariis ku daray

illaahay wuxuu sifaad leeyahay dareenka bini aadamku ma gaadhi karaan sidoo kale garaadku ma duubi karo dibnuhu ma macnayn karaan sidaas ayuu abwaan hadraawi ka hadlaayaa 
Abwaan hadraawi wuxuu markan ka hadlaayaa hadii bini aadamka oo dhan isu tagaan oo cilmi iyo xoog isu geeyaan inay awoodooda daciifnimadooda markay arkaan inay dib u soo guranaayaan ayuu sheegaa abwaanku

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Eebe waa hodan mahadsan

Nabi muuse

Wuxuu yidhi nabi muuse haddaad gaaloowdaan idinka iyo waxa ku sugan dhulka dhammaan eebe waa hodan mahadsan Suurada ibraahim aayada 8aad

Wuxuu yidhi nabi muuse haddaad gaaloowdaan idinka iyo waxa ku sugan dhulka dhammaan eebe waa hodan mahadsan Suurada ibraahim aayada 8aad | Quraanka af soomaali ku baro


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Shacabka Somaliland iyo Soomaaliya sidee u arkaan saldhig military oo berbera cimaaraadku ka sameeyo


Cimaaraadka iyo Somaliland 


Waxa dawladda Imaaraadku waydiisatay Somaliland in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera, taas oo madba' ahaan ay dawladdu aqbashay.



Hadaba halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa aragtiyaha qaarkood gaar ahaan bulshada soomaaliyeed ee ka soo horjeeda arintan in kastoo ay shacabka somaliland dhammaan soo wada dhaweeyeen arinta inyar mooyee.
Dhammaan aragtiyahan waxaa lagu soo bandhigay barta ay facebook ku leeyihiin idaacada Somalivoa waana meesha aan ka soo xiganay , dadkani waxay isugu jiraan dad u dhashay somaliland iyo kuwoo aan u dhalan somaliland  laakiin si guud ayaan u soo xiganay anagoo ka raacayna xeerka xoriyada hadalka , hadaba hoos ka akhriso aragtida dadweynaha ee ku aadan arintan.

 Rayiga dadweynaha qofka 1aad


Qofkan waa Somalilander aragtidiisu ku aadan tahay in saldhiga militari ee berbera uu cimaaraadku ka samaysanaayo ay somaliland kaga bedelo wax muhiim ah 

Rayiga dadweynaha qofka 2aad

Qofkan wuxuu sida hadalkiisa ka muuqata waa qof Somalia ka soo jeeda oo cimaaraadka ku eedaynaayaa inay kala qaybinaayaan wadanka Soomaaliyeed, sidaas waxaa ah aragtidiisa


Rayiga dadweynaha qofka 3aad




Qofkan ma diidin iskaashiga cimaaraadka iyo somaliland balse wuxuu ku doodaayaa isaga aragtidiisa in cimaaraadku aqoonsadaan somaliland, dhalinyaro badana shaqaaleeyaan


Rayiga dadweynaha qofka 4aad



Aragtida qofkani waa inuu aaminsan yahay in muqdisho laga maamulo dalka oo dhan Somaliland iyo Somalia labadaba caasimadoodu tahay muqdisho isagoo meesha ka saaray caasimada somaliland ee hargeysa


Rayiga dadweynaha Qofka 5aad

Qofka ugu dambeeya rayi uruurintan aan samaynay wuxuu leeyahay isii aan ku siiyo waa arinta ugu wanaagsan ee cimaaraadka iyo somaliland ha kala danaystaan

Rayi uruurintan waxaa ku jira arimo badan oo maanka dadweynaha ka guuxaayaa isla markaana dadku ay jecel yihiin inay dawlada iyo cida ay khusayso u sheegaan hadaba sidee adiga kula yihiin arimahan , qaybta commentiga ee hoose faaladaada ku qor

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Saturday, October 22, 2016

Waa maxay google chrome ?


Waa Maxay Google Chrome 

Chrome  waa browser Internet ah si rasmi ah ay shirkada Google soo saartay December 11, 2008 .

waa mid ka duwan dhammaan shaashadaha lagu daalacdo website yada waana mid ku caan ah qurux ama qaab.

Si kastaba ha ahaatee google chrome waa ka ugu fudud ee ugu xawaaraha dheereeya sida ay qeexayso aragtiyo laga soo uruuriyay dadweynaha dunida .

Calaamada google chrome casriga ah

Muxuu awood u siinaayaa dadka ?

Google chrome wuxuu dadka isticmaala awood u siiyaa inay hawlo badan ku qabsadaan marka laga tago daalacashada shaashada websiteka .

hawlahaasna waxaa ugu weyn waxyaabaha loo yaqaan Addons iyo google chrome store oo aad ka helayso Applications aad u badan oo noocyadooda iyo shaqooyinka ay qabtaan ku kala duwan.

Google chrome markaad ku shubayso waa daqiiqado waana wax sahlan inaad isticmaasho adigoo internet haysta , sidoo kale waxaad helaysaa google chrome loogu talo galay Mobaylada sida kuwa ku shaqeeya android nooc kasta.




Google Chrome oo aan ku daalacanay blog-ga Qalbi Somali sidan oo kale ayuu ku soo baxaayaa shaashad kasta

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Friday, October 21, 2016

Quraanka iyo Shucuubta Caalamka iyo Nabi Maxamed scw

kumana aanan dirin muxamedoow naxariista caalamka adoo ah mooyee Quraanka 21:107


Sawirkan waa khariirada caalamka oo bulshada weynta aduunku ku wareegsan tahay dhinaca bidix waxaa kaga qoran aayad quraanka kariimka ah illaahay uu kula hadlay nabi maxamed scw 


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Thursday, October 20, 2016

Sida loo samaysto blogger - halkan ka daawo


Hordhac

Hadii aad arki jirtay dad leh blogger sida Qalbi Somali oo kale hada adiga wakhtigaagii ayay soo gaadhay aad samaysan lahayd blogger kuu gaar ah oo aad caalamka ugu soo bandhigto xirfadaada,shaqadaada ama fikirkaaga wanaagsan.


Waa maxay nashqada blogger ?

Blogger wuxuu leeyahay nashqado aad u fiican oo aad u isticmaali karto blog-gaaga ka dib markaad samaysato ee uu hirgalo ayaad dooran kartaa nashqadahan aadka u qurux badan , waxayna kaa caawinaayaan in akhristayaasha bloggerkaagu ay mar kale si fudud u soo booqdaan blog-gaaga 
bloggerka wuxuu leeyahay nashqado aad u fiican oo aad iskood u isticmaali karto markaad samaysato blogger cusub

Maxaad ku soo bandhigi kartaa blogger kaaga ?

Blogger kaaga waxaad ku soo bandhigi kartaa waxkasta oo aad u baahan tahay gaar ahaan maqaalo xiiso badan muuqaalo ama arimaha waxbarashada ganacsiga iwm
soo bandhig dareenkaaga ama fikirkaaga sida aad rabto oo ku qor bloggerka maqaalo qurux badan way fududahay waana wax lacag la'aan ah

Waa maxay domain ?

Domain waa cinwaan internet ah hadii aan si kale u yidhaahdana waa cinwaanka websiteka sida www.bbcsomali.com ama www.somalivoa.com iwm, cinwaanka rasmiga ah waxaa ku siin kara blogger ka dib markaad isticmaasho wuxuu noqon doonaa magaca iyo cinwaanka tusaaale ahaan sidan www.magacaaga.blogspot.com
hadii aad samaysato blogger waxay la mid tahay adigoo website samaystay , bloggerku wuuba ka dheerayaa website yo badan markaad siiso ahmiyadiisa

Bloggerka lacag ma sameeyaa ?

Haa wuu sameeyaa lacag adigoo isticmaalaaya google adsense waxaana ka aad ka helaysaa bloggerka gudihiisa adeega google adsense si fudud ayaad u hirgelin kartaa lacagna waad ka samayn kartaa waa inaad samaysataa blogger macquul ah
Guud ahaan internetka lacag ayaad ka samayn kartaa ahaan bloggerku waa meesha ugu sahlan ee aad lacag ka samayn karto hadii aad u baahan tahay arintan waa inaad samaysataa blogger macquul ah

Bloggerkaaaga dadka soo booqda sidee u ogaan kartaa ?

wuxuu awood kuu siinaayaa bloggerkaagu inaad aragto dadka soo booqanaaya websitekaaga meesha ay aduunka ka joogaan magaalo ama dal iyo qaabka ay u soo booqdeen websitekaaga sida mobile ama computer hadba kii ay isticmaalayaan iyo browserska ay ku booqdeen websitekaaga sida firefox,chrome ama internet explorer opera, iyo qaar kaloo badan .
Bloggerka wuxuu awood kuu siinaayaa inaad ogaato dadka soo booqda website kaaga meesha ay aduunka ka joogaan magaalo iyo wadan iwm

Malaayiin isticmaala bloggerka !

Bloggerka waxaa isticmaala malaayiin qof oo aduunka kala jooga dhammantood si maalinle ah ama usbuucle ah ayay u soo bandhigaan waxay hayaan fikrad ama ganacsi ama xirfad.
Hada ka mid noqo fursadan qaaliga ah ee oo ka mid noqo dadka isticmaala bloggerka oo ah website free ah
Malaayiin qof ayaa isticmaala bloggerka aduunka iyo caalamka oo dhan 

Wakhti intee leeg ayaad u baahan tahay  ?

Kaliya waxaad u baahan tahay inaad 2 daqiiqo oo kaliya aad daawato muuqaalkan 2daqiiqo ka dibna waxaad ba samaysatay oo diyaar kuu ah bloggerkaagii, hadaba muuqaalkan hoose ka daawo 


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Wednesday, October 19, 2016

Dadka ridooba ee shaydaanka raaca

Kuwa ridoobay ( gaalnimo ku noqday ) inta xaqa iyo hanuunku u caddaaday ka dib shaydaanbaa u qurxiyey yididiilo (been ah) ugu yaboohay (Quraanka suurada 47aad aayada 25 
Quraanka kariimka meelo badan ayuu kaga hadlay
Dadka diinta illaahay ka baxa ee shaydaanka raaca 


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Quraanka ah oo lagu sheegay 2 baddood oo mucjiso ah

Mucjisada Quraanka 

Quraanka kariimka ah oo ka hadlay laba badooEebe waa kan labada badood deriseeyey iyagoo kulmi,dhexdoodana yeelay soohdin kala reebta iskuma xadgudbaan | Quraanka 55:19/20
Mucjisada quraanka uu ka hadlay waxaa ka mida labadan badood ee aan isku xad gudbayn


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Quraanka oo ka hadlay shimbirka hawada duulaaya

Mucjisada quraanka 

Miyeyna dadku arkaynin shimbirka korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oo eebaha raxmaanka ahayna uusan jirin, eebana wax walba wuu arkaa | Suurada Mulki aayada 19aad
Quraanka suuratu mulki aayada 19


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Daawo: Sidee google wax uga raadin kartaa raadin heer sare ah

sidee google wax looga raadiyaa waliba raadin heersare ah

Maxaan ku heli karaa qaabkan ?

Qaabkan waxaad ku heli kartaa wararkii ugu dambeeyey dunida iyo goobta ama goobaha laga soo tebinaayo adigoo, waxaad heli kartaa dadka iyo waxay qoreen ama ay hada qoraayaan adigoo raacaaya casharkan kooban ee google waxaad ka raadin kartaa raadin heer sare ah oo aad kaga maaranto raadintii ku dawakhin jirtay.

waa maxay google search advanced

waa hab cusub oo kuu sahlaaya inaad diirada saarto wararka la qoro iyo wadamada laga soo daabaco iyo wakhtiga la daabacayo, sidoo kale waxaad ku raadin kartaa qaabkan buugaag,sawiro,barnaamijyo filimaan .

Guud ahaan waxaad isticmaali kartaa waxyaabo badan oo Google Search advanced aad ka helayso balse waxaa ugu muhiimsan , waxa aad raadinayso inaad ku raadiso luuqad ama wadan ama wakhti.

Cashar muhiim ah : Sidee facebook loo jabsadaa 

Fiiro gaar ah :
Cashar yarahan kooban wuxuu faaiido weyn u leeyahay dadka internetka ama qofka internetka wax ka baadha , sida ardayda , ganacsatada,macalimiinta,iyo maamulayaasha website yada.



Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Tuesday, October 18, 2016

Sidee facebook looga xanibaa dadka sawirada kugu soo tag gareeya

facebook af soomaali ku baro , facebook tag garayn

Sidee laguugu soo tag garayn karaa wax kasta 

Facebook dadka kuugu jira waxay kugu soo tag garayn karaan sawiro,qoraalo,muuqaalo iyo waxyaabo kale oo aanaad rabin ,sidoo kale waxay mashquul kaa gelin karaan facebook-gaaga.


Casharkan maxaan ku baran karnaa ?

Casharkan kooban waxaan ku baranaynaa sida laysaga xidho ama loo joojiyo ama loo xanibo dadka inagu soo tag gareenaaya waxyaabahaas aan kor ku soo xusnay , sidaas awgeed muuqaalkan daawo si aad u barato sida sida loo xanibo facebook tags.

Casharo la xidhiidha casharkan : Sidee facebook loo jabsadaa

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Monday, October 17, 2016

Nimcada eebahaa ka sheekee Quraanka 99:11

Waagii baryaba hadaad caafimaad ku soo kacdo , ha is odhan wax weyn baa kaa maqan | sirta noloshu waa inaad Allah u mahad celiso #Quraanka93:11

ka sheekee nimcada illaahaaga | Quraanka af soomaali 99:11

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

9ka odhaahood ee ugu yaabka badan sheekh mustafe


Sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun wuxuu ka mid yahay culimada soomaaliyeed kuwa loogu jecel yahay hadii uusanba ahayn sheekha koowaad ee loogu jecel yahay sababo la xidhiidha fahamka ay dhalinyaradu fahmaan soo jeedintiisa iyo wacdigiisa .

Qalbi Somali waxay idiin soo gudbinaayaan shan odhaahood oo laga qoray sheekh mustafe isagoo ka hadlaaya arimo kala duwan oo nolosha iimaanka iyo aduunyada luuqada iyo waliba arimo kale oo badan , sidaas awgeed waxaa faaiido inoo wada ah inaan wax ka faaiidaysano culimadeena soomaaliyeed ee sharafta badan .

Sheekh mustafe oo ka hadlaaya qofka aqoonyahanka ah iyo qofka aan ahayn aqoonyahanka
Sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun oo ka waramaaya luuqada af soomaaliga

Sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun isagoo ka hadlaaya xaqa illaahay inagu leeyahay iyo xaqa rasuulka scw inagu leeyahay






Sheekh mustafe oo ka hadlaayaa dadka isdila isagoo sheegay  inay u badan yihiin dalalka reer galbeedka
Sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun diirada saaraaya
cilmigii guumaystuhu keenay sheegayna inay diin faafinaayeen reer galbeedku
Sheekh mustafe oo gabdhaha muslimiinta ah dhiirigeliyay gaar ahaan kuwa
Qurbe joogta ah


Sheekh mustafe oo ka hadlaayaa hadalkii nabiga scw xadiiska rasuulka

Sheekh mustafe oo ka hadlaayaa ujeedada diinta islaamku u soo degtay ee bini aadamka rasuul iyo nabiyo loogu soo diray si dadku u hanuunaan oo xor u noqdaan

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Sunday, October 16, 2016

Sidee loo jabsadaa facebook 100% sida ugu haboon

Facebook sidee loo jabsadaa ?

Casharkan wuxuu ka mid yahay casharada xiisaha badan ee aad ku baranayso tiknoolajiyada ay waxaana idiin soo diyaariyay Shabakada Qalbi Somali , casharkan waxaan ku siin doonaa barnaamka (Software) aad ku jabsan karto facebook kasta oo aad u baahan tahay inaad hesho Usernameka iyo password ka labadaba


Sababta aan casharkan u qornay !

Dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ayaa waxay na soo waydiiyeen sidii ay u jabsan lahaayeen cinwaan facebook ah iyagoo raba arintaas ayaan anaguna casharkan uga faaiidaynay

Sawir muujinaaya dad soomaali ah oo ciwaankooda aan jabinay
Sida ka muuqata sawirka sare waxaad ka arki kartaa ciwaano iyo passwordyo aan hore u jabinay anagu , waxaana sawirkaas ugu talo galnay inaad aaminto software kan uuna cadeeyo sawirkani  ciwaanada qaarkood oo aan soo bandhignay password-yadooda anagoo qarinay username ka sababo la xidhiidha ilaalin aanu ilaalinayno xuquuqda dadka iska leh ciwaanadaas , si uusan qofkasta oo maqaalkan akhristaa u gelin facebook yadooda.

U fiirso sawirkan , username ka waan qarinay passwordkuna wuu muuqdaa , taariikhda aan facebook jabsanay way ku qoran tahay , facebook-ga aad rabto waad jabsan kartaa hada , caalamka ma jiraan wax amaan ah

Waa ciwaan kale oo facebook ah oo aan jabsanay , password-ka uun ayaa muuqda sababtoo ah waxaan ixtiraamaynaa qofka iska leh si aysan cid kastaa u gelin ciwaankiisa

Hadaba sidee u jabinaysaa qof kale facebook-giisa

Facebook waa goob kulmisay malaayiin qof oo dunida ku nool sidaa darteed waxaa suura gal noqotay in la sameeyo softwares awood kuu siinaaya inaad jabiso oo hesho facebook saaxiibkaa saaxibadaa ama qofkasta oo aad u baahan tahay si fudud ayaan u gali kartaa facebook giisa .

Waa kee software ka 100% jabiya facebook

Markaad download garaysanayso waxaa kuu soo bixi doonta daaqadyan yar ee jaalaha ah markaas guji iyada 
Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa software 100% aan hubo oo aad ku jebin karto facebookga aad rabto inaad gasho , hadaba waxaad ka download garaysataa hoos meesha ay ku qoran tahay Download
Wixii suaal ah qaybta hoose ee comment ga ku soo qor , hadii aad u baahan tahay inaan ku caawiyo fiiri dhinaca midig ee website kan Qalbi Somali meesha calaamada Chat ka ee buluuga si toos ah ayaad iila hadli kartaa wakhti kasta waana ku caawin karaa .


Download Here


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Samaynta website qurux badan