Friday, October 14, 2016

Waan muslimay waan xasilay - Fanaanad faransiis ah


Gabadh heesaa ahaan jirtay oo u dhalatay dalka Faransiiska, oo qaadatay Diinta islaamka, asal ahaana kasoo jeeda Jamhuuriyadda Qubrus oo lagu magacaabo Melanie Diam’s ayaa ka jawaabtay warar ay qoreen Warbaahinta dalka Faransiiska, kuwaas oo sheegay in wixii ka dambeeyay markii ay Diinta islaamka ku biirtay ay soo food saartay Duruuf xagga nolsha ah.
Melanie Diam’s oo ka jawaabeysay wararkaas ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin wararka ay daabaceen Warbaahinta Faransiiska, waxeyna tiri : “waxaan ugu laab qaboojinayaa dadka masiirkeyga ka wel welay markaan islaamnimada ku biiray in xaalkeygu uu aad u wanaagsanyahay, waxaan ka fogaaday oo kaliya Telefeshinnadii, dadka i garanaya waa inay hadalkaas ku qancaan ayay tiri”. 
Qoyska ay kasoo jeedo Diam’s ayaa dalka Faransiiska waxay soo dageen sannadkii 1984-tii, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ku biirtay dhanka Fanka, waxeyna qaadi jirtay heeso ay ku difaaci jirtay dadka soo galootiga ah ee dalka Faransiiska ku dhibaateysan, laakiin billowgii sannadkii 2012-kii ayay si kedis ah hal mar isku rogtay iyadoo qaadatay diinta islaamka, waxeyna guursatay wiil dhallinyaro ah oo Muslim ah, wixii markaas ka dambeeyay waxaa laga waayay bandhigyada Fanka. 
Wareysi ay bixisay horraantii sannadkan, iyadoo kasoo muuqatay Telefeshinka TF1 ee dalka laga leeyahay dalka Faransiiska waxay sheegtay Milanie Dima’s in farxad iyo deganaasho nafsadeed ugu horreysay markii ay kusoo biirtay Diinta islaamka”. 
“Waxaan farxad helay markii si dhab ah Alle ugu jiheystay, dadkii qaraabada ila ahaa oo idl waxba way ka qaban kari waayeen muskiladdii i heysatay, laakiin markaan muslimay oo qur’aanka akhriyay waxaan dareemay ammaan iyo nabadgelyo” ayay hadalkeeda kusoo gaba gabeysay.

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan