Friday, October 7, 2016

JAWHARAD | Waa Heesta cusub ee Bk | 2016-2017


Bk heesta jawharad

Bk heesta jawharad oo ah hees jacayl ah oo soo baxday sanadkan 2016-2017 waxay ka mid tahay heesaha maxamed siciid bk

HEES CUSUB: JAWHARAD
ERAYADA: XASAN DAAHIR WEEDHSAME
LAXANKA: QAASIM
MUSIC BY: USTAAD CAAMIR
LYRICS:
Qof ku rabay ka jeedsiyo
Maba gayo ku joogsiye
Jamashadu badhaadhiyo
Waxay tahay Jannoo kale
Qof ku Jecel adoo Jecel;
Aniguna Jalleecada,
Geestaad iga Jirtaabay,
Indhahaygu Jirayaan,
Iga Dhaari Jiifkana,
Qof Jirrani ma seexdee;
'Sow Jawhradaydaay,
Jiidhkayga kuma tabo,
Jeexaygii Midigeey,
Ima helin Jir-boholyow'.
Ubax Jaadba Jaad-daan,
Bogga kuugu joojoo,
Jago waxaad ku leedahay,
Meel aan hortaa jire,
Wali Jaanta soo dhigin;
Wadnahaa Jalbeebtiyo
Jasiisada codkaagoo,
Qalbi kuu Jaxaasmoo,
Niyad kuu Jil-jilicdaan,
Jaaha ku dhayayaa;
Sow Jawhradaydaay,
Jiidhkayga kuma tabo,
Jeexaygii Midigeey,
Ima helin Jir-boholyow.





Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Blog Archive

Samaynta website qurux badan