Dubai iyo geeska afrika
Dubai oo ku taal meel istiraatiijiyad ayaa waxa ay tahay halka laga sii dhoofiyo alaabta u socota Africa, Bariga dhexe iyo caalamka intiisa kale.
Magaalada Dubai ayaa aad isu badashay sanadihii ugu danbeeyey ,iyadoo noqotay xarun ganacsi oo aad u weyn caana ka noqotay guud ahaanba Gobolka Geeska Africa iyo caalamka ,iyadoo leh dhaqaalo aad u horumarsan.
waxyaalaha ugu weyn ee ay ku soo jiidato ganacsatada waxaa ka mid ah, in laga sameeyo ganacsi aad jaban. kaabayaasha dhaqaalaha oo aad u horumarsan marka loo eego dekedaha kale caalamka.
Siyaasada dawlada Imaaraadka oo ah mid dhiirigelineysa had iyo jeer suuqa xorta ah si ganacsigu uu ula tartamo suuqyada kale caalamka.
Dubai waxa ay xarun u tahay inta badan ganacsatada Somaalida oo dhan, somaali badan ayaa iyadu ganacsiyo ku leh Dubai, sida Dahabka ,iyo ganacsiyada kale shirkadaha ka qaada alaabta maraakiibta iyo diyaaradaha ayaa ka mid ah ganacsiga Soomaalidu ku leedahay Dubai, Alaabooyinka Cargo,ga ayaa loo soo raraa meelaha kale ee Yurub NewZealand, Australia iyo Waqooyiga America, mar aan booqday Sahal Cargo oo ku yaala Badhtamaha Dubai iyagoo aad ugu mashquul ahaa alabadaas loo Diraayo wadamada ay somalidu degantahay iyo Geeska afrika .
Deked ku taal magaalada Dubai oo magaceeda la yidhaahdo Al-xamariya, ayaa ah ta uga u badan aad looga raro shixnadaha iyo gadiidka loo raro dhulalka somaalidu degto , mukhalasiinta Maraakiibta rarta ayaa ii sheegay baabuurka iyo waxkasta inay u raraan Dekada Berbera JSL, iyo weliba Dekado kale oo ku yaal Geeska afrika , iyagoo ii sheegay in dhaqdhaqaaqa dekada Berbera iminka uu aad uga hoseeyo , Dekadaha kale oo ku yaala Geeska afrika iminka ,iyagoo taas ay iigu macneeyeen cashuurta dekada Berbera oo aad u qaaliya waqtigan marka loo eego waqtiyadii hore .
.Waxii ka horeeyey 2002 waxay dekedda Berbera ahayd ama lagu tilmaami jiray dekedda ugu cashuur jaban dekedaha gobolka geeska Afrika ee ay ka mid ahayd, sidoo kalena waxay ahayd dekedda ugu cammiran, waxayna badeecaha ka soo degaa waraabin jireen inta badan dalalka iyo degaamada deriska la ah Somaliland, sida Itoobiya, Djibouti, Somaliya ilaa bariga Kenya.
Wixii ka horeeyey 2002 raashinka ka soo dega dekedda Berbera waxa la cashuuri jiray 20%, sidoo kale bagaashka ka soo dega waxa la cashuuri jiray 25%, hase yeeshee wixii ka dambeeyey sannadkii 2002 cashuurtu aad bay u korodhay, waxayna sidii marba xaddi loo kordhinayey sheekadu gaadhay in badeecadaha badidooda lagu cashuuro wax ku dhow boqolkiiba-boqol, taasina waxay keentay inay bucshiradihii ka soo degi jiray dekedda Berbera, gaar ahaan bagaashka inka badan 65% u leexdaan dekeddo kale.
Somali kale oo la kulmay ayaa ii sheegay inay guryaha u iibiyaan somalida ka timaada badi wadamada reer galbeedka guryaha imaaradaha Sharjah iyo Ajman oo qofku bixinayo lacag horumarina ,inta kale oo si yaryar u bixinayo waqti loo qoondeeyey, qaarna ay mar wada bixiyaan , iyadoo uu ii sheegay Guleed oo ah dadka iyagu guryaha u dilaala dadka iibsanaya inay ku helaan dadku markay iibsadaan guryaha ciqaamado deganaashaha Dalka imaraadka.
Somali badan oo joogtay Imaraadka mudo aad u badan ayaan xuquuq sidaasa ku lahayn dalka ,iyadoo qaar kale ay awoodi wayaan inay sii helaan sharci ay ku negadaan dalka imaraadka , iyadoo dowladu imaraadku arintaas xal inay u hesho ay iminka doonayso.
Wasaaradda arrimaha gudaha Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in ay dhistay guddi xalin doona arrimaha kumnaan kun oo qof aan lahayn dhalasho iyadoo la diiwaan gelinayo kuwa aan haysan waraaqaha joogitaanka, Naasir Al-Naciimi oo ah agaasimaha xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha oo kuna magacaban madaxa guddiga ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay xarumo lagu diiwaan gelinayo kuwa aan haysan waraaqaha sugnaanshaha oo socon doona laba bilood.
Al-Naciimi waxa uu tilmaamay in xarumahaas loo qabiyey afar imaaradood oo kala ah Imaaradda Dubai, Imaaradda Alshaariqa , Imaaradda Dubai iyo Imaaradda Cajamaan iyo xarumaha ganacsiga ee ku yaal afartaas imaaradood,
wasiirka arrimaha gudaha imaaraadka Sheikh Seyf Bin Zayed Alnahayaan wuxuu dalbaday in la xaliyo dhibaatada dadka sharci la”aanta ku jooga dalka Imaaraatka carabta.
Alnaciimi waxa uu soo hadal qaaday in fursaddaan ay socon doonto muddo laba bilood taas kadib ay bilaaban doonto olole amaanka oo ka dhan ah kuwa aan haysan waraaqo joogitaan.
Alnaciimi waxa uu soo hadal qaaday in fursaddaan ay socon doonto muddo laba bilood taas kadib ay bilaaban doonto olole amaanka oo ka dhan ah kuwa aan haysan waraaqo joogitaan.
Adan Yuusuf Cilmi - Dubai ,U.A.E
Ganacsiga dubai iyo geeska africa |