Showing posts with label Djibouti. Show all posts
Showing posts with label Djibouti. Show all posts

Thursday, October 13, 2016

10 fanaan oo fanka ka baxay oo barta quraanka


 Qaar ka mid ah Fanaaniinta loogu jecel yahay ee ka caanka ah deegaamada lagaga hadlo af Soomaaliga ayaa shaaca ka qaaday inay ka baxeen Fanka. Una baydheen barashada Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Fanaaniinta fara ka qaaday Fanka ee khadkaas ka baxday waxay u badan yihiin fannaaniintii kooxdii sida weyn caanka uga ahaa Soomaliya ee la odhan jiray Hobalada Waabaeri iyo kuwo fanka ku soo jiray muddo dheer oo kooxdaa ka horeysayba. fannaaniinta ku dhawaaqday inay ka fadhiisteen fanka waxa ugu dambaysay fannaanada weyn ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin Maandeeq oo go’aankaas ka sheegtay kulan ay saxaafada kula yeelatay gegeda dayuuradaha ee Hargeysa oo ay dhawaan ka soo degtay iyada oo ka soo laabatay wadanka Ingiriiska . Fanaanadda weyn ee Qamar Cabdilaahi “Harawo” ayaa iyaduna hore u sheegtay inay muddo sanado ahba ka sii maqnayd hawada Fanka. Khadra Dahir Cige oo loo tiriyo inay tahay Boqoradda jaceylka, heesaheeduna ay yihiin heesaha ugu saameynta badan dhinaca jacaylka ayaa shaaca ka qaaday inay afar sanadood ka sii maqan tahay Fanka,waxaanay ku sababaysay inay Sodoh noqotay sidaa awgeedna ay fanka uga hadhay,
waxaanay khadra daahir Cige, intaa ku dartay inay door biday barashada quraanka iyo Diinta Islaamka. "Waan joojiyay Fanka,waxaan hada bartaa Qur””aanka,oo waxaa i galay Jaceyl diimeed" sidaana waxa tidhi Fanaanadda Fadumo Cali Cilmi Haldhaa oo iyadu fannaanad da’ yar ah marka loo eego fananaaniinta kale ee aynu soo sheegnay haatanse fanka ku soo jirtay muddo labaatan sanadood ka badan. Maxamed Ahmed Kuluc oo safka hore kaga jira fannaaniinta soomaaliyeed kuwa ugu caansan ee loogu jecelyahay, isla markaana ah fannaan muddo dheer fanka ku soo jiray ayaa si’ lama filaan ah u yidhi: "Haddii uu wanaag leeyahay, In badan baan ku soo jiray Fanka, nin weynbaan noqday,waxaan go’aansaday inaan joojiyo,waanan ka hadhay fanka oo waan ka baxay". "Fanku Qalbiga ayuu ahaa,waanan ka tegay, runtiina muddo dheerba shaqo kumaan lahayn fanka " sidaana waxaa tidhi Fanaanadda weyn ee Cadar Ahmed Kaahin.
"Dugsi Qur””aan ayaan ka dhigtaa Boorame, hada waxaan ahay arday barta Diinta Islaamka,waxaan Ilaahay ka baryaayay inuu fanaaniinta kale ee aanu saaxiibka ahayn ka Madoobeeyo Fanka" Waxaa sidaas tidhi, Fanaanadda Nadiifo Cali Kulane. Jilaaga weyn ee Boon Xersi oo ka qeybgalay Barnaamijka Caweyska VOA ayaa sheegay in uu Fanku ka goostay. "Fanka anagu kamaanu tegine isagiibaa naga tegay, anaguna markaas baanu tagnay maxaa yeelay meel xabadi ka dhacayso, heesi kama soconeyso,dadkii na dhageysan jirayna waxay heleen jilayaal wanaagsan oo siyaasiyiin ah kuwaasaana na badalay oo halkayagii ku jira"ayuu yidhi Boon Xersi. Fanaanadda weyn ee Kinsi Xaaji Adan ayaa sheegtay in aanu fanku lahayn qiimihii hore ee uu lahaan jiray. "Walaahi Fanka kumana jiro, kamanaan bixin, marbaan ka tagay hadana waan ku soo noqday" ayay tidhi Kinsi Xaaji Adan. "Waan farxay Markaan maqlay in Fanaaniintii ugu caansanaa hoboladda Waaberi ayaa isakaga baxay Fanka, aniguna waan ka baxay mar hore oo hada waxaan ka tirsanahay Culimadda Tabliiqa" ayuu yidhi Cabdilaahi Sooraan oo lagu xasuusto kaalintii Fanka oo isugu jirtay jilaannimo sare iyo heesaa wanaagsan Fanaaniinta waaweyn ee dhawaan fanka ka fadhiistay waxaa ka horeeyay Sheekh Cabdilaahi Sulfa iyo Shamaali Ahmed Shamaali oo isagu u go’ay diinta kuna nool boqortooyadda Sacuudiga. Fanaanadda reer Jabuuti ee Nimco Jaamac ayaa la hadal hayaa inay iyaduna maagan tahay inay fanka gabi ahaanba ka fadhiisato.
SaxanSaxo.


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Sunday, October 9, 2016

Tolow inagu midnimada maxaynu ka waynay ?

Maxaan Midnimada Ka Weynay?


 Aalaaba waxaa la Arkaa in ibnu aadanku diido waxa aanay dani ugu jirin ama uu dareemay inay dhibaato ka soo gaadhayso amaba ay ku tahay magac xumo iyo maamuus daro, waxaase la yaab leh marar badan inaad aragto qof ama ummad ka biyodiidaysa dantoodii iyo maslaxadoodi una baratamaysa waddadii ay ku lumi lahaayeen kuna halaagsami lahaayeen.

Waxaa dhacda in dhakhtar daawo u qoro qof bukaana, daawadaas oo laga yaabo inay sabab u tahay inuu ka kaco xanuunkan daashaday ee nolashiisii khatarta geliyey, waxaase dhacda in qofkii bukaanka ahaa daawadii daadiyo oo aanu cunin, dhakhtarkana u sheego inuu dhamaystay kuuradiisii (daawadiisii).

Akhristow Su’aasha aad is weydiin kartaa waxay tahay sidee dhakhtarku u caawin karaa bukaankan naf la caariga ah ee daawadiisii qashinka ku daraya?. Waxaad kaloo is weydiin kartaa sidee u caafimaadi karaa mariidkan aan daawada qaadanayn?. Muxuu daawada ka waayey ama u diiday?. Muxuuse ku doorbiday in xanuunkani sii hayo?.

Xaaladan oo kale waxaa la mida ama kaba daranba markaad aragto sida ay ummadii soomaaliyeed u kala fogaatay ugana biyo diidayso inay midowdo isuna geyso maankeeda & muruqeeda, iyo siday u baasaysatay wada jir iyo iskaashi ay kaga dabaalato burburkan lixaadka ah ee maansheeyey dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay.

Hadii aad dhegadhegayso ama indha-indhayso warbaahinta soomaaliyeed waxaad maqlaysaa hadalo badan oo dhiilo xanbaarsan kana turjumaya heerka mukhaalafo iyo midnimo darro ee ummadu heehaabayso. Dhawaaqyada isdaba jooga ee aan loo meel dayin ayaa ah kuwo caado u noqday inay ka dhex yeedhaan kulamadeena iyo shirarkeenaba. Hadaladaas ayaa ah kuwo dhantaalay midnimadii ummada, horseedayna waddo ma dhamaato ah oo shacabka lagu marin habaabiyey.
Gabyaa Soomaaliyeed Baa Yidhi:Waddankey ku noolayd abido waaqeed ay joogtayUmmad waaraad loo qaybsadoon kaba walaacayninUmmad aan ka waababa aqoon dabinka weegaaranUmmad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysaUmmad waddici gobonimadiyoo wacan gumaystiinaUmmad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa !

Talow Maxaan Midnimada Ka Weynay?
Midnimadu waa xoogga ay ummaduhu ku difaacaan sharaftooda iyo karaamadooda, kagana hortagaan khataraha waaweyn ee salka ka rujin kara jiritaankooda, sidoo kale waa arrinka u sahla inay muquuniyaan cadowgooda, horumarna ka sameeyaan hirdanka siyaasadeed ee aan la hurayn. Midnimadu waa deyrka ay umaduhu iska wareejiyaan si ay isaga xaydaamaan balaayooyinka uu cadawgu la gaafwareegayo, waana dhufayska ay ka galaan dhagaraha loo maleegayo ee lala maagan yahay. Haddiise ay dhacdo in ummadaasi ku fashilanto hanaankii midnimo ee looga baahnaa waa calaamad muujinaysa in ummadaasi ayna hanan Karin jiritaan ay ku naalooto, kartina u yeelan Karin inay caga badan ku sii taagnaato.

Midnimadu waa furaha harumarka, horumarku waa bartilmaameedka ay ummaduhu ku taamayaan inay haleelaan, xoog iyo xoolana isugu geeyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen. Hadaba haday rabto ummadi inay ku Talaabsato isbadel muuqda oo ay ka samayso dhamaan dhinacyada ay rabto inay horumar ka gaadho, una aydo mustaqbalka dhow iyo ka fogba, kana baxdo khaanada loo yaqaan dunida saddexaad oo macnaheedu yahay (kuwa dib u dhacay kuna fashilmay inay horu kac sameeyaan), waxaa la gudboon ummmadaas sidii ay u midayn lahayd shacabkeeda iyo tamarteedaba.

Arrimaha lama dhaafanka ah ee aanay la’aantiis marnaba suuro gal ahayn inay ummadi samayso horumar ay ka midho dhaliso kuna xasisho waa midnimo iyo iskaashi dhex mara dhamaan xubnaha ay ka kooban tahay.Waxaan odhan karnaa midnimadu waa bar bilowga horumarka .

Midnimadu waa sababka ay ummaduhu ku xaqiijiyaan himilooyinkooda una maraan inay gaadhaan hankooda. Marka laga tago binu aadamka xitaa xayawaanka ayaa gartay inaanay suura gelin karin ujeedooyinkooda illaa ay cagta la helaan wadada midnimada. Haddaan tusaale u soo qaadano shinida oo aan aragnay xajmigeedu inta uu dhan yahay, hadana waxaan is weydiin karnaa muxuu yahay arrinka u sahlay inay samayso maadadan qiimaha badan (Malabka) ee aan la soo koobi karin faa’idooyinka ay u leedahay binu aadamka?. Waxaan ku micnayn karnaa inuu yahay iskaashiga layaabka leh ee ay ka dhex abuurtay xubnaha ay ka kooban tahay, waana tafsiirka aan siin karno guushan amaanta mudan ee aan marnaba la moogaan Karin.

Bal Aboorka eeg siday ugu suura gashay inuu dhidbo dudumada lixaadka leh ee uu ka qotamiyey arlada guudkeeda?.Miyaanay ahayn midnimo, miyeyna ahayn is afgarad iyo hawl loo dhan yahay oo mid walba oo iyaga ka mid ahi gartay qabtayna wixii isaga kaga aadanaa. Aboorkuba alleykuu dhisaa aqallo waaweyne markaan aragnay daartuu ebyey baa la ashqaraaraaye.

Waa su’aale Maxaan innagu Midnimada Ka Weynay?
Wadamada horumaray waxay qorshayaashooda koowaad ku darsadeen sidii ay u heli lahaayeen xulufo iyo gaashaanbuur ay iska kaashadaan arrimaha dhaqaalaha, militariga, siyaasadda iwm, taasi waa ta keentay in maanta Yurub isu habarwacato, dajisana istiraatiijiyo cusub oo ay ku wajahdo caalamkan, kuna talaabsato inay midayso lacagteeda, qorshaysana inay noqdaan hal wadan oo hal meel looga arrimiyo. Maraykanka oo ah wadamada maanta caalamka ugu tugtugta roon ayaa wada hindise la magac baxay (Union of North America) oo uu doonayo inuu ku gaashaan buuraysto wadamada Canada iyo Mexico kaas uga dan leeyahay inuu helo cudud kale oo isaga ka baxsan.Waa suaale muxuu Maraykan oo ku dhaw 300 oo milyan xulufo u raadinayaa Soomaali oo 10 milyan ahina midnimo u saluugtay?.

Gabyaa Soomaaliyeed Baa Yidhi:amaan ma lihid shacabkoow haddaan aad u fiirsadaye
anfariirka Shiinaha dhigay ee Yurub ka uugaantay
ee Alif malyuun gaadhayaa waa Fartaa qudhahe!
idinkoon Ardaa buuxin baad kala irdhoowdeene!

Akhristow dad badan oo iyagu nasiib u helay inay ku hoos noolaadaan dowlad iyo nidaam ayaa hadana si ay u ilaashadaan xuquuqdooda aasaasiga ah waxay samaysteen iskaashatooyin ay ku dhawrtaan sadkooda iyo cadkooda, kuna soo dhacsadaan wixii xuquuqa ee ay tabayaan inay ka maqan tahay, sida dhakhaatiirta, macalimiinta, shaqaalaha guud ahaan, waxaana odhan karnaa waa dareenka ay dareemeen inaanay nolosha ku wejihi Karin keli keli iyo nin toocsi toona.
Gabay Baa Ahaa:Alleylehe waxaan eegayaa inaad israacdaane
Iblayskiyo wixii uurxumiyo arami keenaaya
Aduunyada Intaad joogta waa laga adkaadaaye
Dadkii kale ulbay wada noqdeen adiga mooyaane

Akhristow waxaas oo dhan waxaa ka horeeya kana mudan inaan xusno in ilaahay kor ahaaye ina faray midnimo iyo wadajir, Nabigeenuna meelo badan oo sunnada ka mida ku cadeeyey sida muslimiinta ay waajib ugu tahay inay midoobaan. Waxaan marnaba la soo koobi karin sida qotada dheer ee Shareecadeenu uga hadashay qiimaha midnimada iyo sida ay inoogu boorisay inaan la nimaadno.

Gabyaa Soomaaliyeed Baa Laga Hayaa inuu Yidhi:Isku tiirsi baydiin egiyo ururin xoolaade
Ictisimada Islaamkaa la yadhi gebi ahaantoode
Aaydaha diinta iyo sharcigu waynagu amreene
Axaaddiista Nebigey ku timi saadu aragtaane
Ikhtilaafku waa naar jannana waa isu imaade.


Waa Su’aale innagu Xagaan Midnimada Kala Qaadnay, Maxaanse Ka Weynay?
Akhristow waxaa mudan inaan xusno in midnimada aan ka hadlayno loo baahan yahay in lagu qotansho laguna taago tiirar adag oo aan nuuxsanayn, sal iyo aasaasna looga dhigo ilaahay kitaabkiisa iyo sunnada Nabi Maxamed calayhi salaatu wasalaam,waana arrinka aanay midnimo suura gal ahayn hadaan gacanta lagu qabsan.

Gabyaa Baa Yidhi:Waxse lagu uruurshaa ra'yiga, ama is raac keena
In la helo awood gobonimo iyo, xeer Islaamiyahe
Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoyse
Markaasay utuni beerantaa, laysku aynaba e
Aafadu kolkay durugto ee, layska wada aarto
Agoon dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan
Adaa iile iyo eersasho, bay ku intihootaaye.

Waxaan ku soo koobayaa midnimada waxaa ku jirta liibaanteena aduun iyo tan aakhiraba, waxaynuna u baahan nahay in aan meel iska dhigno khilaafaadkan aan dhamaadka lahayn ee ina dhaxalsiiyey duruufahan taxana ah ee isu keen weydaaranaya. Sidoo kale waa inaan u guntano sidii aan u midoobi lahayn isuna kaashan lahayn, muruq iyo maskaxna aan isugu geyn lahayn. Waxaan ku soo xidhay akhristow ogow inaan midnimada marnaba lagu khasaarin.
WQ: C/khaaliq Jaamac Ismaaciil
darwiish101@gmail.com




Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Dubai ilaa geeska afrika | Ganacsi taabo qaada

Dubai iyo geeska afrika

Dubai oo ku taal meel istiraatiijiyad ayaa waxa ay tahay halka laga sii dhoofiyo alaabta u socota Africa, Bariga dhexe iyo caalamka intiisa kale.
Magaalada Dubai ayaa aad isu badashay sanadihii ugu danbeeyey ,iyadoo noqotay xarun ganacsi oo aad u weyn caana ka noqotay guud ahaanba Gobolka Geeska Africa iyo caalamka ,iyadoo leh dhaqaalo aad u horumarsan.
waxyaalaha ugu weyn ee ay ku soo jiidato ganacsatada waxaa ka mid ah, in laga sameeyo ganacsi aad jaban. kaabayaasha dhaqaalaha oo aad u horumarsan marka loo eego dekedaha kale caalamka.
Siyaasada dawlada Imaaraadka oo ah mid dhiirigelineysa had iyo jeer suuqa xorta ah si ganacsigu uu ula tartamo suuqyada kale caalamka.
Dubai waxa ay xarun u tahay inta badan ganacsatada Somaalida oo dhan, somaali badan ayaa iyadu ganacsiyo ku leh Dubai, sida Dahabka ,iyo ganacsiyada kale  shirkadaha ka qaada alaabta maraakiibta iyo diyaaradaha ayaa ka mid ah ganacsiga Soomaalidu ku leedahay Dubai, Alaabooyinka Cargo,ga ayaa loo soo raraa meelaha kale ee Yurub NewZealand, Australia iyo Waqooyiga America, mar aan booqday Sahal Cargo oo ku yaala Badhtamaha Dubai iyagoo aad ugu mashquul ahaa alabadaas loo Diraayo wadamada ay somalidu degantahay iyo Geeska afrika  .
Deked ku taal magaalada Dubai oo magaceeda la yidhaahdo Al-xamariya, ayaa ah ta uga u badan aad looga raro shixnadaha iyo gadiidka loo raro dhulalka somaalidu degto , mukhalasiinta Maraakiibta rarta  ayaa ii sheegay  baabuurka iyo waxkasta inay u raraan Dekada Berbera JSL, iyo weliba Dekado kale oo ku yaal Geeska afrika , iyagoo ii sheegay in dhaqdhaqaaqa dekada Berbera iminka uu aad uga hoseeyo , Dekadaha kale oo ku yaala Geeska afrika iminka ,iyagoo taas ay iigu macneeyeen cashuurta dekada Berbera oo aad u qaaliya waqtigan marka loo eego waqtiyadii hore .
.Waxii ka horeeyey 2002 waxay dekedda Berbera ahayd ama lagu tilmaami jiray dekedda ugu cashuur jaban dekedaha gobolka geeska Afrika ee ay ka mid ahayd, sidoo kalena waxay ahayd dekedda ugu cammiran, waxayna badeecaha ka soo degaa waraabin jireen inta badan dalalka iyo degaamada deriska la ah Somaliland, sida Itoobiya, Djibouti, Somaliya ilaa bariga Kenya.
Wixii ka horeeyey 2002 raashinka ka soo dega dekedda Berbera waxa la cashuuri jiray 20%, sidoo kale bagaashka ka soo dega waxa la cashuuri jiray 25%, hase yeeshee wixii ka dambeeyey sannadkii 2002 cashuurtu aad bay u korodhay, waxayna sidii marba xaddi loo kordhinayey sheekadu gaadhay in badeecadaha badidooda lagu cashuuro wax ku dhow boqolkiiba-boqol, taasina waxay keentay inay bucshiradihii ka soo degi jiray dekedda Berbera, gaar ahaan bagaashka inka badan 65% u leexdaan dekeddo kale.
Somali kale oo la kulmay ayaa ii sheegay inay guryaha u iibiyaan somalida ka timaada badi wadamada reer galbeedka guryaha imaaradaha Sharjah iyo Ajman oo qofku bixinayo lacag horumarina ,inta kale oo si yaryar u bixinayo waqti loo qoondeeyey, qaarna ay mar wada bixiyaan , iyadoo uu ii sheegay Guleed oo ah dadka iyagu guryaha u dilaala dadka iibsanaya inay ku helaan dadku markay iibsadaan guryaha ciqaamado deganaashaha Dalka imaraadka.
Somali badan oo joogtay Imaraadka mudo aad u badan ayaan xuquuq sidaasa ku lahayn dalka ,iyadoo qaar kale ay awoodi wayaan inay sii helaan sharci ay ku negadaan dalka imaraadka , iyadoo dowladu imaraadku arintaas xal inay u hesho ay iminka doonayso.
Wasaaradda arrimaha gudaha Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in ay dhistay guddi xalin doona arrimaha kumnaan kun oo qof aan lahayn dhalasho iyadoo la diiwaan gelinayo kuwa aan haysan waraaqaha joogitaanka, Naasir Al-Naciimi oo ah agaasimaha xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha oo kuna magacaban madaxa guddiga ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay xarumo lagu diiwaan gelinayo kuwa aan haysan waraaqaha sugnaanshaha oo socon doona laba bilood.
Al-Naciimi waxa uu tilmaamay in xarumahaas loo qabiyey afar imaaradood oo kala ah Imaaradda Dubai, Imaaradda Alshaariqa , Imaaradda Dubai iyo Imaaradda Cajamaan iyo xarumaha ganacsiga ee ku yaal afartaas imaaradood,
 wasiirka arrimaha gudaha imaaraadka Sheikh Seyf Bin Zayed Alnahayaan wuxuu dalbaday in la xaliyo dhibaatada dadka sharci la”aanta ku jooga dalka Imaaraatka carabta.
Alnaciimi waxa uu soo hadal qaaday in fursaddaan ay socon doonto muddo laba bilood taas kadib ay bilaaban doonto olole amaanka oo ka dhan ah kuwa aan haysan waraaqo joogitaan.
Adan Yuusuf Cilmi - Dubai ,U.A.E
Ganacsiga dubai iyo geeska africa


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Wednesday, September 28, 2016

Asalkeeda garashada ha ka dhigin ogaalka

Asalkeeda garashada haka dhigin ogaalka | hadraawi


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Monday, September 26, 2016

Diinta shiicada - Maxay kaga duwan tahay islaamka ?

Diinta shiicada maxay kaga duwan tahay diinta islaamka 


Dhagayso sheeh umal oo ku dhawaaqay in shiico lala dagaalamo
Shiicadu waxay kuu sheegaayaan waxay rumaysan yihiin wax ka gedisan sidaas awgeed iska jir maaha muslimiin ee waa wajiga ay gaaladu inagu qabsanaayaan maanta | Soomaaliya iyo soomaalida guud ahaan hore umaysan aqoonin shiico balse maanta hadii ay yeeshaan shiico mudo yar gudaheeda waxaa la arkaayaa soomaali sida ciraaq iyo yemen iyo meelaha kale is gumaadayaa | Fadlan share garee
Wacyi gelinta bulshada ciwaanadan hoose ayaad ka helaysaa
Facebook | bit.ly/QalbiSomali
Twitter | bit.ly/1nimLPO
Youtube | bit.ly/1nimZX6



waa maxay shiico shiicada oo cibaadaysanaysa diinta shiicada


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Sunday, September 25, 2016

Qaawinta jidhka by dr zakir naik af somali quotes

Qaawinta jidhka

Hadii qaawinta jidhku horumar tahay, xayawaanka ayaa ka horumarsan dadka dr zakir naik Quotes

Dr zakir naik oo ka hadlaaya qaawinta jidhka


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Saturday, September 24, 2016

Qurux badanaa nabi maxamed | Sh.C/raxmaan barkhad good


Qurux badanaa nabi maxamed



Nabi maxamed
Qurux badanaa



Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Sunday, September 18, 2016

Naxariis Alle - Sheekh mustafe | 2017

Naxariista illaahay - sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun

Muxaadaro cusub oo sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun soo jeedinaayo magaceeduna yahay NAXARIISTE ALLE , ka faaiidaysi wanaagsan oo daawasho wacan .





Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Thursday, September 8, 2016

Qasiidooyinka cumar aadan dhammantood download garayso - dhagaysi

Qasiidooyin cumar aadan dugsiiye

Halkan waxaad si fudud uga download garaysan kartaa qasiidooyinka cumar aadan dugsiiye oo dhagaysi ah dhammaantood, Cumar aadan dugsiiye waa fanaan ku caan baxay qasiidooyinka nabi amaanka ah waana fanaan reer djibouti ah oo gayiga soomaaliyeed aad looga yaqaano.



Halkan ka download garayso albumka qasiidooyinka ah ee cumar aadan dugsiiye





Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Samaynta website qurux badan