Showing posts with label fanaan. Show all posts
Showing posts with label fanaan. Show all posts

Thursday, October 13, 2016

10 fanaan oo fanka ka baxay oo barta quraanka


 Qaar ka mid ah Fanaaniinta loogu jecel yahay ee ka caanka ah deegaamada lagaga hadlo af Soomaaliga ayaa shaaca ka qaaday inay ka baxeen Fanka. Una baydheen barashada Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Fanaaniinta fara ka qaaday Fanka ee khadkaas ka baxday waxay u badan yihiin fannaaniintii kooxdii sida weyn caanka uga ahaa Soomaliya ee la odhan jiray Hobalada Waabaeri iyo kuwo fanka ku soo jiray muddo dheer oo kooxdaa ka horeysayba. fannaaniinta ku dhawaaqday inay ka fadhiisteen fanka waxa ugu dambaysay fannaanada weyn ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin Maandeeq oo go’aankaas ka sheegtay kulan ay saxaafada kula yeelatay gegeda dayuuradaha ee Hargeysa oo ay dhawaan ka soo degtay iyada oo ka soo laabatay wadanka Ingiriiska . Fanaanadda weyn ee Qamar Cabdilaahi “Harawo” ayaa iyaduna hore u sheegtay inay muddo sanado ahba ka sii maqnayd hawada Fanka. Khadra Dahir Cige oo loo tiriyo inay tahay Boqoradda jaceylka, heesaheeduna ay yihiin heesaha ugu saameynta badan dhinaca jacaylka ayaa shaaca ka qaaday inay afar sanadood ka sii maqan tahay Fanka,waxaanay ku sababaysay inay Sodoh noqotay sidaa awgeedna ay fanka uga hadhay,
waxaanay khadra daahir Cige, intaa ku dartay inay door biday barashada quraanka iyo Diinta Islaamka. "Waan joojiyay Fanka,waxaan hada bartaa Qur””aanka,oo waxaa i galay Jaceyl diimeed" sidaana waxa tidhi Fanaanadda Fadumo Cali Cilmi Haldhaa oo iyadu fannaanad da’ yar ah marka loo eego fananaaniinta kale ee aynu soo sheegnay haatanse fanka ku soo jirtay muddo labaatan sanadood ka badan. Maxamed Ahmed Kuluc oo safka hore kaga jira fannaaniinta soomaaliyeed kuwa ugu caansan ee loogu jecelyahay, isla markaana ah fannaan muddo dheer fanka ku soo jiray ayaa si’ lama filaan ah u yidhi: "Haddii uu wanaag leeyahay, In badan baan ku soo jiray Fanka, nin weynbaan noqday,waxaan go’aansaday inaan joojiyo,waanan ka hadhay fanka oo waan ka baxay". "Fanku Qalbiga ayuu ahaa,waanan ka tegay, runtiina muddo dheerba shaqo kumaan lahayn fanka " sidaana waxaa tidhi Fanaanadda weyn ee Cadar Ahmed Kaahin.
"Dugsi Qur””aan ayaan ka dhigtaa Boorame, hada waxaan ahay arday barta Diinta Islaamka,waxaan Ilaahay ka baryaayay inuu fanaaniinta kale ee aanu saaxiibka ahayn ka Madoobeeyo Fanka" Waxaa sidaas tidhi, Fanaanadda Nadiifo Cali Kulane. Jilaaga weyn ee Boon Xersi oo ka qeybgalay Barnaamijka Caweyska VOA ayaa sheegay in uu Fanku ka goostay. "Fanka anagu kamaanu tegine isagiibaa naga tegay, anaguna markaas baanu tagnay maxaa yeelay meel xabadi ka dhacayso, heesi kama soconeyso,dadkii na dhageysan jirayna waxay heleen jilayaal wanaagsan oo siyaasiyiin ah kuwaasaana na badalay oo halkayagii ku jira"ayuu yidhi Boon Xersi. Fanaanadda weyn ee Kinsi Xaaji Adan ayaa sheegtay in aanu fanku lahayn qiimihii hore ee uu lahaan jiray. "Walaahi Fanka kumana jiro, kamanaan bixin, marbaan ka tagay hadana waan ku soo noqday" ayay tidhi Kinsi Xaaji Adan. "Waan farxay Markaan maqlay in Fanaaniintii ugu caansanaa hoboladda Waaberi ayaa isakaga baxay Fanka, aniguna waan ka baxay mar hore oo hada waxaan ka tirsanahay Culimadda Tabliiqa" ayuu yidhi Cabdilaahi Sooraan oo lagu xasuusto kaalintii Fanka oo isugu jirtay jilaannimo sare iyo heesaa wanaagsan Fanaaniinta waaweyn ee dhawaan fanka ka fadhiistay waxaa ka horeeyay Sheekh Cabdilaahi Sulfa iyo Shamaali Ahmed Shamaali oo isagu u go’ay diinta kuna nool boqortooyadda Sacuudiga. Fanaanadda reer Jabuuti ee Nimco Jaamac ayaa la hadal hayaa inay iyaduna maagan tahay inay fanka gabi ahaanba ka fadhiisato.
SaxanSaxo.


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Friday, October 7, 2016

JAWHARAD | Waa Heesta cusub ee Bk | 2016-2017

Bk heesta jawharad

Bk heesta jawharad oo ah hees jacayl ah oo soo baxday sanadkan 2016-2017 waxay ka mid tahay heesaha maxamed siciid bk

HEES CUSUB: JAWHARAD
ERAYADA: XASAN DAAHIR WEEDHSAME
LAXANKA: QAASIM
MUSIC BY: USTAAD CAAMIR
LYRICS:
Qof ku rabay ka jeedsiyo
Maba gayo ku joogsiye
Jamashadu badhaadhiyo
Waxay tahay Jannoo kale
Qof ku Jecel adoo Jecel;
Aniguna Jalleecada,
Geestaad iga Jirtaabay,
Indhahaygu Jirayaan,
Iga Dhaari Jiifkana,
Qof Jirrani ma seexdee;
'Sow Jawhradaydaay,
Jiidhkayga kuma tabo,
Jeexaygii Midigeey,
Ima helin Jir-boholyow'.
Ubax Jaadba Jaad-daan,
Bogga kuugu joojoo,
Jago waxaad ku leedahay,
Meel aan hortaa jire,
Wali Jaanta soo dhigin;
Wadnahaa Jalbeebtiyo
Jasiisada codkaagoo,
Qalbi kuu Jaxaasmoo,
Niyad kuu Jil-jilicdaan,
Jaaha ku dhayayaa;
Sow Jawhradaydaay,
Jiidhkayga kuma tabo,
Jeexaygii Midigeey,
Ima helin Jir-boholyow.






Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Tuesday, May 17, 2016

VIDEO+ Heesta Calanka Somaliland



ERYADA HEESTA | Song Lyrics

Samo ku waar, samo ku waar, saamo ku waar
Sarreeye calanka sudhan bilay dhulkiisaa, Samo ku waariyoo iyo bogaadin sugan Hanbalyo suuban kugu salaannee saamo ku waar
Geesiyaashii naftooda u sadqeeyay qarannimada Somaliland
Xuskooda dhowrsan kugu salaannee samo ku waar
Guulside xanbaarsan soo noqoshadiisa kalsooniduu mutaystayee dastuurka ku salaannee
Midnimo walaalnimo goobanimo islaanimo kugu salaanee
samow samidiyo samo ku waar samo ku waar saamo ku waar!!

Hoos ku soo qor erayada heestan abwaanka sameeyey | Mahadsanid.

LIKE \ COMMENT \ SHARE \ RATE
---------------------------------------------------------------------------------
Please SUBSCRIBE this channel ►► https://www.youtube.com/c/Nacaybtirechannel
---------------------------------------------------------------------------------


INTAGRAM
https://www.instagram.com/nacaybtire/

FACEBOOK
https://www.facebook.com/Nacaybtire/

PINTEREST
https://www.pinterest.com/qalbisomali
------------------------------------------------------------------
NACAYB TIRE SOCIAL WORKER
------------------------------------------------------------------
Editor and Producer : Nuradiin Nacayb tire 
Founder and Updating  Qalbi Somali

Nacaybtire Author | Storyteller | Blogger : Nacaybtire.blogspot.com Snapchat Nacaybtire Nuradiiny is a Founder & social worker from
Qalbi Somali



Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Samaynta website qurux badan