Monday, October 24, 2016

8Jeer oo hadraawi la hadlaayo illaahay maansada dabahuwan dhexdeeda


Waa Kuma hadraawi

Hadraawi waa abwaan soomaaliyeed oo murtidiisa iyo xikmadiisa ay jecelyihiin umada soomaaliyeed meelkasta ha joogaane , hadraawi hadana waa abwaan jecel dadnimada iyo damiirka wanaagsan ee qofka gaadhsiinaayaa aayaha nolosha , sida ka muuqataa hadaladiisa hadraawi wuxuu ka soo horjeedaa dulmiga iyo nacaybka bulshada iyo kala tafaraaruqa .



Muxuu soo tebinaayaa Hadraawi

U fiirso hadraawi wuxuu halkan ku soo tebinaayaa arimo dhawr ah oo miisaanka nolosheena qayb weyn ku leh taas oo uu isbarbardhig ku samaynaayo nimcada illaahay inagu galadaystay ee wanaaga oo dhami ku jiraan iyo sida bini aadamku u yahay mid aan intiisa badani arintaas ku baraarugsanayn qof illaahay u naxariisto mooyaane .

Hadaba aan bilaabano sideed sawir qoraaleed oo aan ka soo xiganay maansada dabahuwan



Hadraawi oo ka hadlaaya qofka ka jeesta hanuunka illaahay
Wuxuu yidhi hadraawi , Naftiisa qofkii dulmiyey dayrkaaga rabiyow ka baxay
Muxuu halis daaqaayaa

hadraawi oo ka hadlaayaa bini aadamka iyo nimcooyinka alle
Hadraawi wuxuu leeyahay : Addoonku rabbow ma dayo deeqdaada intuu hantiyo , dunitii maqan buu tebaa , wax uu degdeg kaaga filay , haddaanay ku soo dul quban , cadhuu la dakaamaayaa

dibnuhu baryahaday karaan daryeel kama mahad ceshaan
 Hadraawi wuxuu leeyahay :: Dibnuhu baryaday karaan , daryeel kama mahad ceshaan, jiilaal la darbaysan yahay diihaal iyo gaajo kulul hadii bari roob ka da'o qof doogey markaas illow , suduu u deyn yiqiin 

qofkaad u doortay si khayr ku jiro
Hadraawi wuxuu ka hadlaayaa qof illaahay nimco oo dhan siiyay sharna u diiday khayrna u dooray hadana leh maxaan xumaantaas u samayn waayay oo isagu raba inuu dambi ku dhaco  
hadraawi oo qiraaya cilmiga alle
Abwaan hadraawi markan illaahay ayuu u qiraayaa wax kasta inuu ogyahay wax soo socda iyo wax dhici doona iyo wixii dhacay 
illaahay wuxuu leeyahay dadyahow sidaas ha samaynina hadana wuxuu ku daray arintaas naxariis oo wuxuu quraanka markasta inoogu sheegaa inay naxariistiisu ka weyn tahay dambiyadeena , sidaas ayuu hadraawina leeyahay | Dardaar warintaada guud adaa naxariis ku daray

illaahay wuxuu sifaad leeyahay dareenka bini aadamku ma gaadhi karaan sidoo kale garaadku ma duubi karo dibnuhu ma macnayn karaan sidaas ayuu abwaan hadraawi ka hadlaayaa 
Abwaan hadraawi wuxuu markan ka hadlaayaa hadii bini aadamka oo dhan isu tagaan oo cilmi iyo xoog isu geeyaan inay awoodooda daciifnimadooda markay arkaan inay dib u soo guranaayaan ayuu sheegaa abwaanku

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Eebe waa hodan mahadsan

Nabi muuse

Wuxuu yidhi nabi muuse haddaad gaaloowdaan idinka iyo waxa ku sugan dhulka dhammaan eebe waa hodan mahadsan Suurada ibraahim aayada 8aad

Wuxuu yidhi nabi muuse haddaad gaaloowdaan idinka iyo waxa ku sugan dhulka dhammaan eebe waa hodan mahadsan Suurada ibraahim aayada 8aad | Quraanka af soomaali ku baro


Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Shacabka Somaliland iyo Soomaaliya sidee u arkaan saldhig military oo berbera cimaaraadku ka sameeyo


Cimaaraadka iyo Somaliland 


Waxa dawladda Imaaraadku waydiisatay Somaliland in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera, taas oo madba' ahaan ay dawladdu aqbashay.



Hadaba halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa aragtiyaha qaarkood gaar ahaan bulshada soomaaliyeed ee ka soo horjeeda arintan in kastoo ay shacabka somaliland dhammaan soo wada dhaweeyeen arinta inyar mooyee.
Dhammaan aragtiyahan waxaa lagu soo bandhigay barta ay facebook ku leeyihiin idaacada Somalivoa waana meesha aan ka soo xiganay , dadkani waxay isugu jiraan dad u dhashay somaliland iyo kuwoo aan u dhalan somaliland  laakiin si guud ayaan u soo xiganay anagoo ka raacayna xeerka xoriyada hadalka , hadaba hoos ka akhriso aragtida dadweynaha ee ku aadan arintan.

 Rayiga dadweynaha qofka 1aad


Qofkan waa Somalilander aragtidiisu ku aadan tahay in saldhiga militari ee berbera uu cimaaraadku ka samaysanaayo ay somaliland kaga bedelo wax muhiim ah 

Rayiga dadweynaha qofka 2aad

Qofkan wuxuu sida hadalkiisa ka muuqata waa qof Somalia ka soo jeeda oo cimaaraadka ku eedaynaayaa inay kala qaybinaayaan wadanka Soomaaliyeed, sidaas waxaa ah aragtidiisa


Rayiga dadweynaha qofka 3aad




Qofkan ma diidin iskaashiga cimaaraadka iyo somaliland balse wuxuu ku doodaayaa isaga aragtidiisa in cimaaraadku aqoonsadaan somaliland, dhalinyaro badana shaqaaleeyaan


Rayiga dadweynaha qofka 4aad



Aragtida qofkani waa inuu aaminsan yahay in muqdisho laga maamulo dalka oo dhan Somaliland iyo Somalia labadaba caasimadoodu tahay muqdisho isagoo meesha ka saaray caasimada somaliland ee hargeysa


Rayiga dadweynaha Qofka 5aad

Qofka ugu dambeeya rayi uruurintan aan samaynay wuxuu leeyahay isii aan ku siiyo waa arinta ugu wanaagsan ee cimaaraadka iyo somaliland ha kala danaystaan

Rayi uruurintan waxaa ku jira arimo badan oo maanka dadweynaha ka guuxaayaa isla markaana dadku ay jecel yihiin inay dawlada iyo cida ay khusayso u sheegaan hadaba sidee adiga kula yihiin arimahan , qaybta commentiga ee hoose faaladaada ku qor

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Saturday, October 22, 2016

Waa maxay google chrome ?


Waa Maxay Google Chrome 

Chrome  waa browser Internet ah si rasmi ah ay shirkada Google soo saartay December 11, 2008 .

waa mid ka duwan dhammaan shaashadaha lagu daalacdo website yada waana mid ku caan ah qurux ama qaab.

Si kastaba ha ahaatee google chrome waa ka ugu fudud ee ugu xawaaraha dheereeya sida ay qeexayso aragtiyo laga soo uruuriyay dadweynaha dunida .

Calaamada google chrome casriga ah

Muxuu awood u siinaayaa dadka ?

Google chrome wuxuu dadka isticmaala awood u siiyaa inay hawlo badan ku qabsadaan marka laga tago daalacashada shaashada websiteka .

hawlahaasna waxaa ugu weyn waxyaabaha loo yaqaan Addons iyo google chrome store oo aad ka helayso Applications aad u badan oo noocyadooda iyo shaqooyinka ay qabtaan ku kala duwan.

Google chrome markaad ku shubayso waa daqiiqado waana wax sahlan inaad isticmaasho adigoo internet haysta , sidoo kale waxaad helaysaa google chrome loogu talo galay Mobaylada sida kuwa ku shaqeeya android nooc kasta.




Google Chrome oo aan ku daalacanay blog-ga Qalbi Somali sidan oo kale ayuu ku soo baxaayaa shaashad kasta

Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Samaynta website qurux badan