Monday, September 26, 2016

Indhaha damac baa horyaal | Dabahuwan | Hadraawi


“Dabahuwan” wax kale yaan la moodin ee waa taah dheer oo ka soo baxay nin ay feedhuhu burbureen oo bestii ah. Taa darteed shakhsiyaddiisa iyo maansadiisa weligood lagu yaqaanney miigganaanta, yoolaragnimada iyo hubantida, waxaa hadheeyey niyadjab, shaki, cabsi iyo khushuuc
Waa muuqaal cusub oo loo diyaariyay qaab ahaan #Somali_Short_Film waxaa soo diyaariyay Nacayb tire
waxaan rajeenayaa inaad ka faaiidaysan doontaa
WAA KUMA HADRAAWI
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waa #hal_abuur maanseed,
oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo
shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood.Maansadiisu waa
#dawan#baaq#hodan#xigmad#murti iyo #qaylo_dhaan xilliga
#argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa
aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo.
Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka
la dulmiyayo.Wuxuu Hadraawi la jaalyahay dadka maxaysatada
ah, kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda,iyo dhaqankooda,
wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga
wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa
dadka-dadka dulmiya, booba,dhaca, yasa,xaqira, dadka is
waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga.
Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu
saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa
hadheeyo,waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed
Hadday jiraan malyuun qof oo Hadraawi yaqaan, waxaa hubaal ah in mid waliba sidiisa u yaqaan oo halkaas aad ugu tegaysid malyuun. Aniguna malyuunkaas ayaan ka mid ahay. EE MAXAAD KU TAQAANAA HADRAAWI - aragtidaada siduu kula yahay ?
Fadlan share garee muuqaalkan




Share this Share to Facebook Share to Twitter Email This Pin This

Qiso ku saabsan wiil da'yar

Today's featured

Find us on Facebook

Popular Posts

Sign Up

Sign Up in Seconds

Sign up with your email address to receive hot updates straight in your inbox.

Powered By : Qalbi Somali

Samaynta website qurux badan